Dowladda Eritrea ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ku eedeysay inuu dagaal ka dhan ah dalkeeda wado, iyadoo sheegtay in dadaallada Itoobiya ay ku dooneyso marin-badeed toos ah ay halis ku yihiin madax-bannaanida iyo amniga Eritrea.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa hadalkan ka sheegay falcelin uu ka bixiyay hadallada hoggaanka Itoobiya ee ku saabsan baahida dalkaasi u qabo marin uu kaga baxo Badda Cas.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Abiy Ahmed inay raadineyso marin-badeed iyadoo adeegsanaysa hanjabaado, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay qeyb ka tahay cadaadis siyaasadeed iyo mid militari oo lagu hayo .




From the comments