WASHINGTON (Goobjoog News) — Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Itoobiya iyo Eritrea ugu baaqay inay joojiyaan tallaabooyinka sii hurinaya xiisadda, khilaafkoodana ku xalliyaan waddo diblomaasiyadeed.
Baaqa ayaa yimid iyadoo la soo sheegayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo hub culus oo ka socda deegaannada ku dhow Zalambessa. Itoobiya iyo Eritrea ayaa isku eedeeyey gardarro iyo faragelin, taas oo kordhisay cabsida laga qabo inuu qarxo dagaal toos ah oo labada dal dhex mara.
Human Rights Watch ayaa dhinaceeda sheegtay in duqeymo ka dhacay koonfurta Tigray ay waxyeello gaarsiiyeen dad rayid ah, isla markaana ay sababeen xiritaanka xarumo caafimaad. Dagaallada iyo hakadka adeegyada caafimaadku waxay sii adkeynayaan xaaladda dadka ku nool deegaannada ay colaadaha hore u saameeyeen.




From the comments