Hay’adda Caalamiga ah ayaa ka digaya in ifafaalaha cimilada ee El Niño, oo si xawli ah u xoogeysanaya, uu sababi karo fatahaado waaweyn, cudurro faafa iyo cunto yari ka dhacda dalal badan oo ku yaalla Bariga Afrika iyo Aasiya, iyadoo Soomaaliya lagu daray waddamada ugu halista badan.
Sida warbixinta dhowaan soo baxday ayaa lagu sheegay in dalalka ay khatartu sida weyn u saameyn karto ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Uganda, Bangladesh, Pakistan iyo Afghanistan, kuwaas oo intooda badan hore ula tacaalayay abaaro, colaado iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo.
Mas’uul sare oo ka tirsan Hay’adda IRC, Bob Kitchen, ayaa sheegay in dalalka ugu nugul ay wajahayaan dhibaatooyin is biirsaday, isla markaana aysan haysan awood ay ku xamili karaan masiibo kale oo ka dhalata isbeddelka cimilada.
Xarunta Saadaasha Cimilada ee Mareykanka (Climate Prediction Center) ayaa sheegtay in El Niño ay si degdeg ah u xoogeysanayso, isla markaana ay jirto 81% fursad ay ku noqon karto mid ka mid ah kuwii ugu xoogga badnaa tan iyo sanadkii 1950, iyadoo la filayo inuu gaaro heerkiisa ugu sarreeya inta u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar.
Hay’adda Cimilada Adduunka (WMO) ayaa sidoo kale xaqiijisay in xaaladda El Niño ay durba bilaabatay, isla markaana la filayo inay sii xoogeysato bilaha Luulyo ilaa Sebteembar.
Warbixintu waxay xustay in qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay sanadkan marar badan la kulmeen fatahaado ka dhashay roobab culus.
Hay’adda digniinta hore ee macluusha ee FEWS NET ayaa qiimeysay in koonfurta Soomaaliya ay wajahayso halis macluul haddii fatahaadaha la filayo dabayaaqada sanadkan ay la mid noqdaan kuwii dhacay 1997 iyo 2023, kuwaas oo sababay in dhul beereed badan uu biyo galo isla markaana boqolaal kun oo qof ay barakacaan.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Bangladesh ay daadad iyo dhul-go’yo ku dileen ugu yaraan 15 qof oo Rohingya ah, halka in ka badan 10,000 oo qof ay ku barakaceen xeryaha Cox’s Bazar.
Pakistan ayaa iyaduna la filayaa inay wajahdo xaalad isugu jirta abaaro iyo fatahaado ka dhasha dhalaalka degdegga ah ee barafka buuraha waqooyiga.
Dhanka kale, Bangiga Adduunka ayaa ka digay in haddii El Niño ay si buuxda u xoogaysto, wax-soo-saarka bariiska uu hoos u dhici karo 20% ilaa 50% qaybo ka mid ah Koonfurta Aasiya iyo Bariga Afrika, taasoo sii xumeyn karta cunto yarida iyo kororka qiimaha cunnada.
Hay’adaha gargaarka ayaa ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha caalamka inay si degdeg ah u maalgeliyan tallaabooyinka ka hortagga masiibooyinka, halkii la sugi lahaa inta ay dhibaatooyinku dhacayaan.
From the comments