Isbeddelka cimilada ayaa sii kordhinaya khataraha caafimaad ee haysta bulshooyinka ugu nugul qaaradda Afrika, iyadoo kulaylka sii badanaya, roobabka aan la saadaalin karin, abaaraha iyo fatahaaduhu ay sababayaan cunto-yaraan, faafitaanka cudurrada iyo culays dheeraad ah oo saaran nidaamyada caafimaadka ee dalal badan.
Warbixin ay baahisay warbaahinta CGTN ayaa lagu sheegay in saameynta isbeddelka cimiladu aysan ku koobnayn deegaanka oo keliya, balse ay si toos ah u saameyso nolosha, dhaqaalaha, caafimaadka iyo badbaadada malaayiin qof oo ku nool Afrika.
John Wafula, oo ah khabiir dhanka gargaarka bani’aadannimada uga shaqeeya Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA) ee Kenya, ayaa sheegay in dadka danyarta ah iyo bulshooyinka nugul ay si gaar ah u dareemayaan saameynta isbeddelka cimilada, maadaama ay ku adag tahay helitaanka adeegyada caafimaadka iyo taageerada aasaasiga ah.
Dalal badan oo Afrikaan ah, qoysas tiro badan ayaa noloshooda iyo dhaqaalahooda ku tiirsan beeraha roobka ku baxa iyo xoolaha, ayadoo Marka abaaruhu dhacaan ama fatahaaduhu baabi’iyaan dalagyada beeraha iyo xoolaha, qoysasku ay waayaan ilihii dhaqaale ee ay sannado ku dhiseen, taasoo sii xoojisa saboolnimada iyo cunto-yaraanta.
Fatahaaduhu waxay wasakheyn karaan ilaha biyaha, iyagoo kordhinaya halista cudurrada biyaha ku faafa. Dhanka kale, abaaruhu waxay yareeyaan helitaanka biyo nadiif ah, waxayna wiiqaan nadaafadda iyo fayadhowrka.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa qiyaastay in isbeddelka cimiladu sababi karo ku dhowaad 250,000 oo dhimasho dheeraad ah sannad kasta inta u dhexeysa 2030 iyo 2050, kuwaas oo la xiriira nafaqo-darro, duumada, cudurrada shubanka iyo kuleylka daran.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in saameynta isbeddelka cimiladu aysan si isku mid ah u taaban dhammaan bulshada, waxaana haweenka, gabdhaha, dadka waayeelka ah, dadka naafada ah, qaxootiga iyo dadka barakacay ay wajahayaan caqabado dheeraad ah oo ku saabsan helitaanka adeegyada caafimaadka iyo ilaalinta badbaadadooda.
Daraasad uu Bangiga Adduunku soo saaray sannadkii 2025 ayaa sidoo kale tilmaantay caqabadaha haweenka ka haysta la qabsiga beeraha u adkeysan kara isbeddelka cimilada, kuwaas oo ay ka mid yihiin lahaanshaha dhulka oo aan sugnayn, helitaanka xogta cimilada oo xaddidan iyo fursadaha dhaqaale oo kooban.
From the comments