Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa ka digtay in ku dhowaad 874,000 oo qof ay ku barakici karaan gudaha Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, iyadoo la filayo roobab xooggan iyo kororka biyaha wabiyada oo khatar ku haya bulshooyin horey u saameeyeen abaaraha iyo barakaca soo noqnoqday.
Warbixin ay hay’addu soo saartay Arbacadii, 21-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegtay in saadaal ay si wadajir ah ula diyaarisay Golaha Qaxootiga Denmark (DRC) ay muujinayso in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar ee sanadkan, ayadoo daadadka la filayo inay sababaan boqolkiiba 92 ee barakacaas la saadaaliyay.
Madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira, ayaa sheegay in ay jirto suurtagalnimo ah in boqolaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo gudahood ah, haddii roobabka iyo fatahaaduhu sii xoogaystaan.
Digniintan ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaad la saadaaliyay inuu keeno roobab ka badan heerarka caadiga ah, iyadoo saameynta ifafaalaha cimilada ee El Niño ay sii xoogeysanayso.
IOM ayaa sheegtay in magaalooyinka Beledweyne iyo Gaalkacyo ay ka mid yihiin meelaha sida gaarka ah ugu nugul fatahaadaha, waxaana Sida saadaasha hay’addu muujinayso, ku dhowaad 229,000 oo qof oo ku nool Beledweyne iyo 82,000 oo qof oo ku sugan Gaalkacyo ay halis ugu jira inay guryahooda ka barakacaan.
Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in kororka biyaha wabiyada iyo roobabka xooggan ay halis gelin karaan nolosha dadka, isla markaana ay burburin karaan dalagyada beeraha, wasakheyn karaan ilaha biyaha la cabbo, ayna carqaladeyn karaan helitaanka adeegyada caafimaadka.
Dhanka kale, IOM waxay shaacisay in ilaa hadda la helay oo keliya 14.4 boqolkiiba lacagta loo baahan yahay ee dhan 16.62 milyan oo doollar, taas oo loogu talagalay diyaar-garowga iyo wax ka qabashada fatahaadaha.
Hay’addu waxay beesha caalamka ugu baaqday inay si degdeg ah u bixiso taageero dhaqaale, si loo xoojiyo nidaamyada digniinta hore, loo diyaariyo waddooyinka daad-gureynta dadka, loona helo hoy degdeg ah, biyo nadiif ah iyo adeegyada fayadhowrka.
Digniinta IOM ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay wajahayo halis cusub oo bani’aadannimo, iyadoo bulshooyin badan ay weli la tacaalayaan saameynta abaaraha, cunto-yaraanta iyo barakaca, kuwaas oo sii adkeyn kara awoodda ay dadku ugu diyaargaroobi karaan fatahaadaha soo socda.
From the comments