Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay deeq lacageed oo gaaraysa €89.5 Million oo Euro ah, lacagtaan €20 milyan oo kamid ayaa waxaa loogu talo galay in lagu kabo miisaamiyadda Dawladda Soomaaliya ee 2024 taas oo ay Golaha Wasiirrada meelmariyeen habeenimadii xalay, cadadkeeduna yahay $1,025,687,991.
“Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Maalgelintaan waxaan ugu talo galnay in aan wax kaga qabanno dawlad-dhisidda Soomaaliya, annagoo eegayna mudnaanta siyaasadeed iyo khataraha imaan kara,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Midowga Yurub kadib deeqda lacageed.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo habeenimadii xalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.), taas oo in badan korortay marka loo eego sanadkii hore 2022.


From the comments