Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Golaha ayaa muddo 12 bilood oo kale ah u kordhiyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si Soomaaliya looga taageero hawlaha dib u kabashada .
Howlgalkaan ayaa shaqadisu waxaa ay ku salaysan tahay taageerada dawlad-dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya, waxaana la aasaasay xilli Soomaaliya ay weysay dowladnimada 1992-kii.
Xafiiskaan oo muddo ku shaqeynayay magaalada Nairobi ayaa usoo guuray Soomalaiya markii lagu heshiiyay dhismaha Dawladda Federaalka oo la taabo galiyay, isaga oo degay Xalane.


From the comments