DHUUSAMAREEB (Goobjoog News) — Musharraxa u tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Galmudug , Liibaan Axmed Xasan, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kulan ballaaran kula yeeshay qaybaha kala duwan ee haweenka deegaanka.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xaaladda siyaasadeed ee maamulka, doorashada ku-celiska ah ee la filayo inay Galmudug ka dhacdo, iyo doorka lama-huraanka ah ee haweenku ku leeyihiin geeddi-socodka siyaasadda iyo dib-u-dhiska dowladnimada Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan ayaa bogaadiyay doorka muuqda ee haweenka Galmudug ay mar walba ka qaataan nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo horumarinta deegaanka, maadaama ay yihiin laf-dhabarta qoyska iyo bulshada. Musharraxa ayaa sidoo kale si dhow u dhageystay talooyinka, aragtiyaha, iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ay haweenku mudnaanta siinayeen.



From the comments