Soomaaliya waxay qaadatay hannaanka Federaalka muddo haatan laga joogo 20 sano ka hor, waana mid kamida natiijooyinkii ka dhashay dagaalladii sokeeye ee sanadaha badan socday iyo maamullo deegaanada qaar ka hana-qaaday oo diidanaa dhismaha dowlad dhexe oo awoodda fulintoo dhan wada yeelata.
Asal ahaan yaa keenay ? Soomaaliya’se ma ku habboonyahay waa weydiimo aan weli warcelin lagu qanci karo loo hayn, balse federaalku waa hannaan maamul oo dunida inteeda badan ka jira, kaas oo loogu talo-galay in xukunka iyo adeegyada hormarinta lagu gaarsiiyo dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka.
Dowlaha gobolladu waxay leeyihiin awood sharci oo ay ku maamuuli karaan adeegyada nolosha dadweynaha iyo hormarinta deegaanka ku saabsan sida caafimaadka, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay dhismaha jidadka ugu horreeyaan, iyo arrimaha garsoorka.
Dadweynaha gobollada ku nool ayaa dooranaya cidda hoggaaminaysa oo daboolidda baahiyadooda gacanta maamul u baahan ka shaqaynaysa, ka sokow intii ay sugi lahaayeen waxqabadka dowladda dhexe oo dalkoo dhan masuul ka ah culaysyo badani ay haysan karaan.


From the comments