Goobjoog

Xulka Qaranka Soomaaliya ee U-17 oo Muqdisho loogu soo dhaweeyay billadda qalinka

Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xulka qaranka Soomaaliya ee 17-jirada (U-17), kuwaas oo dalka dib ugu soo…

Xulka Qaranka Soomaaliya ee U-17 oo Muqdisho loogu soo dhaweeyay billadda qalinka

Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xulka qaranka Soomaaliya ee 17-jirada (U-17), kuwaas oo dalka dib ugu soo laabtay iyagoo wata billadda qalinka ee tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Soo dhaweynta waxaa hoggaaminayay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, kaas oo ciyaartoyda ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida sharafta leh ee ay dalka ugu mataleen tartanka.

Madaxda ayaa sidoo kale bogaadiyay xulka qaranka, gaar ahaan guusha ay ka gaareen tartanka iyo u soo bixitaankooda tartanka Qaramada Afrika ee CAF.

Munaasabadda soo dhaweynta waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed, iyo Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegay in ciyaartoyda loo qaban doono munaasabad maamuus ah marka ay nastaan, si loogu dabaaldego guusha ay dalka u soo hooyeen.

Billadda qalinka ee ay xulka U-17 keeneen ayaa muujinaysa dadaalka ciyaartoyda da’da yar iyo horumarka kubadda cagta Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments