Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U-17, kaddib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen xulka Uganda, oo ciyaarta ku badiyay 6-5.
Ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya, oo loo yaqaan Ocean Stars, ayaa tartanka ka muujiyay ciyaar wanaagsan oo ay ka dhex muuqdeen xirfad, kalsooni iyo isku-duubni, iyagoo dadaal badan u galay difaaca sharafta iyo calanka dalka.
Inkasta oo xulka Soomaaliya uusan ku guuleysan hanashada koobka, haddana kaalinta labaad ee ay gaareen ayaa muujisay dadaalka iyo horumarka ay sameeyeen ciyaartoyda da’yarta ah intii uu socday tartanku.




From the comments