Goobjoog

Shirkadaha Difaaca Turkiga Oo Soo Bandhigey Hub Casri Ah

Shirkadaha warshadaha difaaca ee Turkiga ayaa Isniintii ka qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Difaaca Afrika ee AFRIDEX 2026, kaas oo ka furmay magaalada Lagos ee dalka Nigeria, iyagoo halkaasi ku soo bandhigay qalab iyo tiknoolajiyad milatari oo casri ah.

Shirkadaha Difaaca Turkiga Oo Soo Bandhigey Hub Casri Ah

Shirkadaha warshadaha difaaca ee Turkiga ayaa Isniintii ka qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Difaaca Afrika ee AFRIDEX 2026, kaas oo ka furmay magaalada Lagos ee dalka Nigeria, iyagoo halkaasi ku soo bandhigay qalab iyo tiknoolajiyad milatari oo casri ah.

Bandhiggan oo soconaya afar maalmood, laga bilaabo 26-ka illaa 29-ka Oktoobar 2026, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, warshadaha difaaca iyo is-weydaarsiga tiknoolajiyada ee dalalka Afrika.

Shirkadaha Turkiga ayaa soo bandhigaya qalab milatari oo isugu jira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamyada raadaarka, qalabka badda, nidaamyada sonar-ka iyo tiknoolajiyado kale oo la xiriira difaaca iyo amniga.

Shirkadaha Turkiga ee ka qaybgalaya bandhigga waxaa ka mid ah ASELSAN, Turkish Aerospace Industries (TUSAŞ), HAVELSAN, MKE iyo STM, kuwaas oo ka shaqeeya qaybo kala duwan oo la xiriira soo saarista qalabka milatariga, tiknoolajiyada difaaca iyo nidaamyada amniga.

Ka qaybgalka shirkadahaan ayaa qayb ka ah dadaallada Ankara ay ku doonayso inay ku ballaariso xiriirka dhinaca difaaca ee ay la leedahay dalalka Afrika, isla markaana ay u hesho suuqyo cusub wax-soo-saarkeeda milatari.

Bandhigga AFRIDEX 2026 ayaa la filayaa inuu isu keeno in ka badan 500 oo shirkadood, in ka badan 20,000 oo booqdeyaal ah iyo in ka badan 100 wafdi oo rasmi ah. Waxaa sidoo kale barbar socda shirar looga hadlayo la-dagaallanka argagixisada, amniga badda iyo nabad ilaalinta gobolka.

Marka laga soo tago Turkiga, waxaa bandhigga ka qaybgalaya dalal kale oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Imaaraadka Carabta, Hindiya iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo iyaguna soo bandhigaya awoodahooda dhinaca difaaca.

Bandhiggan ayaa imanaya xilli Turkigu uu sii xoojinayo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga milatari, dhoofinta qalabka difaaca iyo horumarinta tiknoolajiyada amniga.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments