Dad weynaha Israa’iil ayaa 27-ka Oktoobar 2026 u dareera doorasho baarlamaan oo xasaasi ah, taas oo go’aamin karta mustaqbalka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo muddo dheer hoggaaminayay maamulkaas.
Doorashadan ayaa lagu dooranayaa dhammaan 120-ka kursi ee baarlamaanka Israa’iil, waana tii ugu horreysay tan iyo weerarradii Xamaas hoggaaminaysay ee 7-dii Oktoobar 2023, kuwaas oo uu xigay dagaalka Israa’iil ka waddo Marinka Gaza iyo colaado kale oo ku fiday dalal badan oo gobolka ah.
Sida ay werisay Al Jazeera, codbixinnada ra’yi ururinta ayaa muujinaya tartan adag oo u dhexeeya isbahaysiga midigta iyo xisbiyada diimeed ee taageera Netanyahu iyo isbahaysiga mucaaradka ee doonaya inuu xukunka ka saaro.
Qiyaasaha la soo bandhigay ayaa tilmaamaya in mucaaradku heli karo 52 kursi, halka isbahaysiga Netanyahu la saadaalinayo inuu helo 50 kursi,balse natiijada doorashada oo keliya ma go’aamin doonto cidda dowladda soo dhisaysa, maadaama nidaamka doorashada Israa’iil uu ku dhisan yahay saamiga kuraasta iyo heshiisyada isbahaysiyada, waxaana loo baahan yahay taageerada ugu yaraan 61 xildhibaan si loo helo aqlabiyad baarlamaan.
Waxaa jira dhowr xaaladood oo ka dhalan kara doorashadan; Netanyahu ayaa mar kale soo dhisi kara dowlad haddii xisbigiisa Likud uu taageero ku filan ka helo xulafadiisa, oo ay ku jiraan xisbiga Jewish Power ee uu hoggaamiyo Itamar Ben-Gvir, xisbiga Religious Zionism ee uu hoggaamiyo Bezalel Smotrich iyo xisbiyada diimeed ee Shas iyo United Torah Judaism.
Inkasta oo isbahaysigiisu uu codbixinnada qaarkood kaga dambeeyo mucaaradka, haddana heshiisyo siyaasadeed oo cusub ayaa u suura-gelin kara inuu sii hayo xilka ra’iisul wasaaraha.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa isku dayaya inay mideeyaan awooddooda si ay u soo dhisaan dowlad cusub, ayadoo Afar xisbi oo kala ah Yashar, Democrats, Yisrael Beytenu iyo isbahaysiga Together ay bishii Sebtembar heshiis ku gaareen inay iska kaashadaan dadaallada lagu doonayo in Netanyahu xukunka looga saaro.
Gadi Eisenkot, oo hore u ahaa madaxa ciidamada Israa’iil, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta loo arko inay hoggaamin karaan dowlad cusub, halka ra’iisul wasaarihii hore Naftali Bennett uu isaguna yahay musharrax suuragal ah.
Haddii mucaaradku waayo kuraasta ku filan ee uu kaligiis ku dhisi karo dowlad, xisbiyada ay hoggaamiyaan muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil ayaa door muhiim ah yeelan kara.
Xisbiyada Ra’am iyo Joint List ayaa la saadaalinayaa inay helaan ku dhowaad 13 kursi, taas oo ka dhigi karta kuwo go’aamiya dhinaca awoodda la wareegaya, ayadoo Hoggaamiyaha Ra’am, Mansour Abbas, uu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu taageero isbahaysi mucaaradku hoggaaminayo, hase yeeshee hoggaamiyeyaal badan oo mucaaradka ka tirsan ayaa ka soo horjeestay inay xisbiyadan si rasmi ah uga mid noqdaan dowlad cusub.
Waxaa sidoo kale suuragal ah in la dhiso dowlad laga tiro badan yahay oo taageero dibadeed ka hesha xisbiyo kale marka baarlamaanka loo gudbiyo codadka kalsoonida.
Joint List ayaa muujisay inay taageeri karto hannaan noocaas ah, iyadoo dalbanaysa in la helo waddo loo maro dowladnimada Falastiin iyo tallaabooyin wax looga qabanayo dambiyada abaabulan ee saameeya bulshooyinka Falastiiniyiinta.
Xaalad kale oo suuragal ah ayaa ah in xisbiyada iska soo horjeeda ay ku heshiiyaan dowlad midnimo qaran, taas oo ay ku wada jiraan kooxo siyaasadeed oo kala aragti duwan. Israa’iil ayaa hore u soo martay hannaan noocaas ah, markii Netanyahu iyo Benny Gantz ay sanadkii 2020 dhiseen dowlad midnimo, inkasta oo heshiiskaasi uu burburay wax ka yar hal sano kadib.
Sidoo kale, waxaa dhici karta in laba hoggaamiye ay ku heshiiyaan inay xilka ra’iisul wasaaraha muddooyin kala duwan ku kala wareegaan, sida heshiisyadii hore ee dhexmaray Netanyahu iyo Gantz, iyo Naftali Bennett iyo Yair Lapid.
Haddii wada-hadallada dhismaha dowladda ay istaagaan, xisbiyadu waxay taageeri karaan hoggaamiye kale oo ka tirsan isla garabka siyaasadeed, kaas oo ay fududahay in laga helo taageero baarlamaan.
Haddii dhammaan dadaalladaasi fashilmaan oo aan la helin hoggaamiye isku keeni kara aqlabiyad ku filan, Israa’iil waxay wajihi kartaa doorasho kale, ayadoo maamulkaasi uu shan doorasho qabtay intii u dhexeysay 2019 iyo 2022, kaddib markii xisbiyada iska soo horjeeday ay ku guuldarreysteen inay dhisaan dowlado waara.
Doorashada haatan ayaa imanaysa xilli Israa’iil ay wajahaysaa cawaaqibta dagaalka Gaza, khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah iyo dooddo la xiriira amniga iyo xiriirka gobolka, sidoo kalena ay ku lug leedahay dagaalka Iiraan.
From the comments