Goobjoog

Ugu Yaraan 10 Qof oo lagu Dilay Weerar ay Maleeshiyaad Hubeysani ka Geysteen Bariga Nigeria

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen tuulada Binnari ee gobolka Taraba, bariga Nigeria, sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Ugu Yaraan 10 Qof oo lagu Dilay Weerar ay Maleeshiyaad Hubeysani ka Geysteen Bariga Nigeria
Police officers gather at the scene of Sunday night gunmen attack in Gari Ya Waye community in the Jos North Nigeria, Monday, March 30, 2026. (AP Photo/Samson Omale)

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen tuulada Binnari ee gobolka Taraba, bariga Nigeria, sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

dadka ka badbaaday weerarka iyo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay.

Booliska Nigeria ayaa Sabtidii sheegay in meydadka 10 qof la helay ilaa fiidnimadii Jimcaha, kaddib markii koox hubeysan oo tiro badan, kuna safraysay mootooyin, ay weerartay tuulada Binnari.

Goobjoogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 20 qof lagu dilay weerarka, halka Amnesty International ay sheegtay in tirada dadka dhintay ay gaartay 40 qof.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in meydad kale la helay kaddib markii boolisku markii hore xaqiijiyeen dhimashada 10 qof.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay rasaas fureen wax yar kaddib salaaddii Jimcaha, ayadoo mid ka mid ah dadka tuulada deggan, Sa’idu Nuhu, uu sheegay in markii weeraryahannadu ka baxeen tuulada la tiriyey in ka badan 20 meyd ah, iyadoo dad kalena weli la la’aa.

Kooxaha weerarka geystay ayaa sidoo kale bililiqeystay dukaamo, iyagoo qaatay lacag caddaan ah, cunto iyo agab kale. Waxay sidoo kale la baxeen mootooyin ay ka tageen dadkii ka cararay weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Nigeria ay la tacaaleyso kooxo hubeysan iyo burcad hubeysan oo ka howlgala qaybo kala duwan oo dalkaasi ah, gaar ahaan waqooyi-galbeed iyo bartamaha dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments