EbolaDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ka hirgelisay nidaam dijitaal ah oo rakaabka dalka soo galaya looga doonayo inay ku soo gudbiyaan xogtooda caafimaad, iyadoo la xoojinayo dadaallada looga hortagayo in Ebola uu dalka soo gaaro.
Nidaamkan oo la daahfuray 22-kii bishan Oktoobar ayaa rakaabka faraya inay foomka caafimaadka si sax ah oo dhammaystiran u buuxiyaan kahor safarkooda ama marka ay dalka soo galayaan, ayadoo wasaaraddu Caafimaadka ay sheegtay in isticmaalka nidaamku yahay lacag la’aan.
Machadka Qaranka ee Caafimaadka ayaa sameeyey nidaamka, kaas oo loogu talagalay in shaqaalaha caafimaadku si degdeg ah ugu ogaadaan khataraha caafimaad ee safarrada la xiriira, una dabagalaan rakaabka marka loo baahdo.
Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan ayaa shirkadaha diyaaradaha, maamulka garoomada iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso ugu baaqay inay rakaabka ku wargeliyaan foomka, isla markaana ay gacan ka geystaan fulinta habraacyada caafimaadka ee xuduudaha.
Dowladdu waxay sheegtay in xogta caafimaad ee rakaabka si ammaan ah loo maamuli doono, lana ilaalin doono xogtooda gaarka ah. Nidaamka waxaa markii hore laga hirgeliyey Aadan Cadde, waxaana la qorsheynayaa in si tartiib ah loogu ballaariyo garoomada kale, dekedaha iyo xuduudaha dhulka, inkastoo aan weli la shaacin jadwalka hirgelinta.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Gaadiidka Cabdikarin Cabdulle Xaydar, Agaasimaha Guud ee Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dr. Xuseen Abuukar Muxudiin iyo ku-simaha wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Kaamil.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli cudurka Ebola ee nooca Bundibugyo uu ku faafayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halka Kenya ay dhowaan xaqiijisay geerida qof dalkaas kasoo safray. Soomaaliya ilaa hadda lagama xaqiijin kiis Ebola ah.
From the comments