Nairobi, Kenya – 29 Oktoobar 2026 — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka, iyadoo laga hadlay arrimo la xiriira wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta ee dalalka xubnaha ka ah EAC.
Guddoomiye Jaamac ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay laba qodob oo muhiim ah. Qodobka koowaad ayaa la xiriiray dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta go’aanka shir-madaxeedka madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC ee ku saabsan gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika, kaas oo la qorsheeyey inuu dhaqan galo bisha Diseembar 2027.
Qodobka labaad ayaa ku saabsanaa warbixinta diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhexeysa 4-ta iyo 15-ka Diseembar 2026.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar-garowday ka qaybgalka ciyaarahaas, isla markaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u diri doono wafdi isboorti oo ka qaybqaata tartanka. Wuxuu xusay in ciyaaruhu ay gacan ka geysanayaan xoojinta xiriirka, saaxiibtinimada iyo is-dhexgalka baarlamaannada iyo dalalka gobolka.
Sidoo kale, Guddoomiye Jaamac ayaa uga mahadceliyey Baarlamaanka Kenya soo dhaweynta loo sameeyey madaxda iyo wafdiyada ka qaybgalaya kulanka, isagoo bogaadiyey qabanqaabada shirkan. Wuxuu sidoo kale ammaanay dadaalka ay muujiyeen xoghayeyaasha baarlamaannada iyo xoghayeyaasha guud intii lagu jiray kulamadii farsamo ee diyaar-garowga, kuwaas oo qabsoomay 27-ka iyo 28-ka Oktoobar 2026.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay dhiggiisa dalalka gobolka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan go’aanno wax-ku-ool ah oo loo dhan yahay, kuwaas oo u adeegaya danta guud ee baarlamaannada iyo Bulshada Bariga Afrika.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Jaamac ayaa muujiyey kalsoonida uu ku qabo in wadatashiga iyo iskaashiga baarlamaannada gobolka ay horseedi doonaan natiijooyin xoojiya wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta, isla markaana horumariya himilooyinka wadajirka ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo ka qaybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqeynta baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah EAC.
From the comments