Muqdisho, Oktoobar 25, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta labada Aqal ee Baarlamaanka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Habdhowraha Golaha Aqalka Sare iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.
Labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqaynta labada Aqal, iyadoo mudnaan la siinayo hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah danaha qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.




From the comments