Goobjoog

Sheekh Aadan Madoobe oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Galmudug

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), oo loo doortay…

Sheekh Aadan Madoobe oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Galmudug

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), oo loo doortay hoggaanka maamulkaas.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoggaanka cusub ee Galmudug u rajeeyay guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadka loo igmaday, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee ay qaadeen.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in laga filayo hoggaanka cusub inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarinta dowladnimada, si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Galmudug.

Hambalyadan ayaa ku soo beegmaysa kaddib doorashadii hoggaanka cusub ee Dowladda Galmudug, iyadoo hoggaamiyeyaasha cusub laga sugayo inay gutaan waajibaadkooda, kana shaqeeyaan nabadda iyo horumarka deegaanada maamulkaas.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments