Baarlamaanka dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta dooranaya hoggaamiyaha iyo hoggaamiye-ku-xigeenka maamulkaas, iyadoo doorashadu ka socoto xarunta baarlamaanka ee magaalada Dhuusamareeb.
Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo codkooda ku kala saari doona musharraxiinta u tartamaya labada xil ee hoggaanka maamulka.
Munaasabadda doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Galmudug iyo xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka.




From the comments