Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urursiyaasadeedka JSP, Liibaan Axmed Xasan, oo shalay si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb, ayaa kumannaan ka mid ah shacabka reer Galmudug u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.
Khudbaddiisa ayuu musharraxu ku soo bandhigay qorsha-hawleedkiisa siyaasadeed, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray laba caqabadood oo muddada dheer ragaadiyay bulshada reer Galmudug: kooxda Al-Shabaab iyo dagaallada ku salaysan aanooyinka qabiillada.
- Ciribtirka Kooxda Al-Shabaab
Kooxda Al-Shabaab, si la mid ah degaannada kale ee Soomaaliya, waxay caqabad weyn ku tahay nabadgelyada, nolosha iyo horumarka bulshada reer Galmudug.
Degaannada qaarkood oo ay kooxdu maamulaysay muddo ku dhow 15 sano, carruurta iyo bulshada ku nool waxaa seegay adeegyo iyo fursado aasaasi ah oo ay xaq u lahaayeen, sida waxbarashada, adeegyada caafimaadka, xorriyadda hadalka iyo fursadaha horumarineed.
Liibaan Axmed Xasan ayaa ballanqaaday in haddii loo doorto hoggaamiyaha Galmudug uu muddo lix bilood gudahood ah kooxda Al-Shabaab kaga xorayn doono degaannada Galmudug.
- Soo Afjaridda Dagaallada iyo Aanooyinka Qabaa’ilka
Caqabadda labaad ee uu musharraxu ka hadlay ayaa ahayd dagaallada soo noqnoqda iyo dilalka qorshaysan ee ka dhasha aanooyinka qabiillada.
Colaadahan ayaa xaddiday isusocodka dadka, wiiqay wadanoolaanshaha bulshada, isla markaasna dib u dhigay horumarka degaanno badan oo ka tirsan Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan ayaa ballanqaaday in haddii xilka loo doorto uu soo afjari doono dagaallada ku salaysan aanooyinka qabaa’ilka, isla markaasna uu ka shaqayn doono dibuheshiisiin dhab ah iyo isu soo dhawaanshaha shacabka reer Galmudug.
Musharraxu wuxuu sheegay in qorshihiisu ku dhisan yahay nabad, caddaalad, wadanoolaanshaha iyo in bulshada reer Galmudug loo abuuro jewi ay si nabad ah ugu wada noolaan karaan, uguna horumari karaan.
From the comments