Goobjoog

Arrimaha Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Dhuusamareeb, iyadoo Gaalkacyo dib looga furay bixinta kaararka codbixiyeyaasha

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si uu u kormeero howlaha diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka. Booqashada…

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Dhuusamareeb, iyadoo Gaalkacyo dib looga furay bixinta kaararka codbixiyeyaasha

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si uu u kormeero howlaha diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka.

Booqashada Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmeysa xilli Guddigu uu dardargelinayo hirgelinta howlaha doorashooyinka ee deegaannada Galmudug. Isla maanta, Guddiga ayaa sidoo kale dib u furay bixinta kaararka codbixiyeyaasha doorashooyinka qof iyo codka ee degmada Gaalkacyo, si loo sii ambaqaado diyaarinta doorashada.

Waxaa la filayaa in Guddoomiyaha uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha Guddiga Doorashooyinka, isagoo kormeer ku sameyn doona xarumaha iyo habsami u socodka howlaha diiwaangelinta iyo bixinta kaararka codbixiyeyaasha.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorashooyinka qof iyo codka, iyadoo shacabka lagu dhiirrigelinayo inay qaataan kaararkooda codbixinta si ay uga qeyb qaataan doorashada.

Get Goobjoog updates

From the comments