Muqdisho – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10-aad ee Sharciga Dhismaha GMDQS iyo Qodobka 18-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Jadwalka uu guddigu soo saaray ayaa muujinaya in diiwaangelinta iyo qaybinta kaararka codbixiyeyaasha ay bilaaban doonto 5-ta Agoosto, halka 7-da Agoosto la shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta.
Sidoo kale, 8-da Agoosto waxaa la soo bandhigi doonaa liiska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha, iyadoo maalmaha xiga la dhammaystiri doono gudbinta iyo xaqiijinta liisaska musharraxiinta iyo wakiillada ururrada siyaasadda.


From the comments