Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay 10 degmo oo ka tirsan Hirshabeelle iyo 11 degmo oo ka tirsan Galmudug.
Shacabka ku nool 11-ka degmo ee Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta, halkaas oo ay ku dhiibanayaan codkooda, iyagoo dooranaya xubnaha matalaya deegaannadooda.
Doorashadan qof iyo codka ah ayaa ah mid muhiim u ah hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo markii ugu horreysay muddo dheer kadib shacabka deegaannada qaarkood ay si toos ah uga qayb qaadanayaan doorashada wakiilladooda.




From the comments