Goobjoog

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo shacabka ugu baaqay inay si weyn uga qeyb qaataan doorashada

Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa shacabka ugu baaqay inay si weyn uga qeyb qaataan doorashada ka socota magaalada Jowhar iyo guud ahaan deegaannada Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa shacabka ku dhiirrigeliyay inay tagaan goobaha codbixinta, ayna gutaan waajibaadkooda codbixineed, iyagoo si nabad ah uga qeyb qaadanaya geeddi-socodka doorashada.

Waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan xasilloonida iyo amniga inta ay socoto codbixintu, isla markaana ay doorashada uga qeyb qaataan si masuuliyad leh.

Doorashada ayaa maanta ka socota qaybo ka mid ah Hirshabeelle, iyadoo shacabka ay u dareerayaan goobaha codbixinta si ay u doortaan xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments