Goobjoog

Golaha Wakiillada Hirshabeelle oo Doortay Guddoon Cusub

Jowhar — Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa doortay guddoon cusub, kaddib doorashooyinkii maanta ka dhacay xarunta golaha. Xildhibaan C/Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle,…

Golaha Wakiillada Hirshabeelle oo Doortay Guddoon Cusub

Jowhar — Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa doortay guddoon cusub, kaddib doorashooyinkii maanta ka dhacay xarunta golaha.

Xildhibaan C/Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle, isagoo helay 77 cod. ninkaan ayaa dib loo doortay maadaama horay u ahaa Gudoomiyaha Wakiilada.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdi Iidow ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Hirshabeelle, kaddib markii uu ku soo baxay cod gacan-taag ah.

Dhanka kale, Jaamac Cali Maxamuud ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Hirshabeelle, isaguna ku soo baxay cod gacan-taag ah.

Doorashada hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada ayaa lagu soo gabagabeeyay xulashada saddexda mas’uul ee hoggaamin doona guddoonka golaha.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments