Goobjoog

Doorashada ku celiska ah ee Galmudug oo maanta ka dhacaysa deegaannada maamulkaas

Doorashada qof iyo codka ee dowlad-goboleedka Galmudug ee ku celiska ah ayaa maanta ka dhacaysa deegaanno kala duwan oo ka tirsan maamulkaas, iyadoo shacabka ay safaf dheer dheer ugu jiraan inay codkooda ka dhiibtaan goobaha loo diyaariyey doorashada.

Magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo, ayaa kamid ah meelaha laga filayo inay ka dhacdo doorashadu, iyadoo sidoo kale la qorsheeyay in codbixintu gaarto deegaanno iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Galmudug.

Guddiga doorashooyinka ayaa doorashada u asteeyay inay dhacdo maanta oo taariikhdu tahay 30-ka Sebtembar, waxaana saaka deegaanno badan laga dareemayay diyaar-garowga doorashada.

Wararka laga helayo Galmudug ayaa sheegaya in dadku ay saaka aroortii hore u dareereen goobaha codbixinta, halkaas oo lagu diyaarinayo sanduuqyada iyo agabka doorashada.

Dadka ayaa la filayaa inay codkooda ka dhiibtaan goobaha loo asteeyay, iyadoo ciidamada ammaanka iyo masuuliyiinta doorashadu ay goobaha qaarkood ku sugan yihiin.

Doorasahadan ku celiska ah ee Galmudug ayaa la filayaa inay ka duwanaan doonto doorashadii hore ee ay natiijadii laashay maxkamadda sare ee dalku ka dib markii ay sheegtay inay dheceen qaladaad dhinaca maamulka ahi.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments