Goobjoog

Doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka socata deegaannada Hirshabeelle

Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa ka socota deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, iyadoo dadweynuhu ay u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashada xubnaha matalaya golayaasha maamulka.

Doorashadan ayaa muhiimad gaar ah u leh ah hannaanka maamul ee Hirshabeelle, iyadoo muddo dheer kadib ay deegaannada maamulka ka dhacayaan doorashooyin ay dadweynuhu si toos ah uga qayb qaadanayaan.

Goobaha codbixinta ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal shacab ah, iyadoo dadka deegaanka ay safaf ugu jiraan xarumaha loo asteeyey inay codkooda ka dhiibtaan, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka.

Shacabka ayaa doorashada ku tilmaamaya fursad ay ku soo xulaan xubnaha matalaya, isla markaana ay uga qayb qaataan hannaanka maamulka iyo horumarinta deegaannadooda.

Doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ayaa noqonaysa dhacdo muhiim ah oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hannaanka doorashooyinka iyo ka-qaybgalka bulshada ee Hirshabeelle.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments