Goobjoog

Soomaaliya oo Bisha 9-aad ee Sannadkan Billaabaysa Dhoofinta Kalluunka ee Shiinaha

Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay bisha Sebteembar billowdo dhoofinta kalluunka iyo wax-soosaarka kale ee badda ee loo iibgeynayo Shiinaha, iyadoo la hirgelinayo heshiis canshuurdhaaf ah (tariff-free) oo labada dal kala saxiixdeen bishii hore.

Soomaaliya oo Bisha 9-aad ee Sannadkan Billaabaysa Dhoofinta Kalluunka ee Shiinaha

Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay bisha Sebteembar billowdo dhoofinta kalluunka iyo wax-soosaarka kale ee badda ee loo iibgeynayo Shiinaha, iyadoo la hirgelinayo heshiis canshuurdhaaf ah (tariff-free) oo labada dal kala saxiixdeen bishii hore.

Qorshaha billaabidda dhoofinta ayaa la shaaciyay toddobaadkan, kaddib heshiiskii 13kii Luulyo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.

Heshiiska ayaa dhigaya in waxsoosaarka kalluunka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin tuunnada iyo aargoosatada, loo dhoofin karo suuqa Shiinaha iyadoo laga dhaafayo canshuuraha kastamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Cabdi Diirshe , ayaa sheegay in heshiisku yahay tallaabo taariikhi ah oo lagu doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha buluugga ah, lagu abuuro shaqooyin, laguna soo jiito maalgelin ku wajahan kaydinta qabowga iyo silsiladda gaarsiinta kalluunka.

Billowga dhoofinta kalluunka ayaa Soomaaliya u furaya mid ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee waxsoosaarka badda, xilli dawladdu ku hawlantahay sidii kheyraadka xeebaha dalka looga dhigi lahaa il dhaqaale oo kaabaya xoolaha iyo beeraha.

Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,500 oo kiiloomitir, hasayeeshee qaybta kalluumaysigu muddo dheer kama aysan helin kaabayaal ku filan oo dhinacyada qaboojinta, farsamaynta, gaadiidka iyo suuqgeynta ah.

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa rejaynaya in helitaanka suuqa Shiinuhu dhiirrigeliyo maalgelinta dekedaha, goobaha kalluunka laga dejiyo, xarumaha farsamaynta iyo kaydadka qabowga, kuwaas oo muhiim u ah in kalluunka Soomaaliyeed si joogto ah loogu dhoofiyo suuqyada dibadda.

Heshiiska ayaa, sidoo kale, imanaya xilli Soomaaliya ay iskudayayso inay ballaariso dhaqaalaha buluugga ah, iyadoo dhinaca kale wajahaysa caqabado ay ka mid yihiin kalluumaysiga sharcidarrada ah iyo awoodda kooban ee lagu ilaaliyo biyaha dalka.

Waxaa hadda indhaha lagu hayaa sida loo hirgelin doono dhoofinta bisha Sebteembar, shirkadaha Soomaaliyeed ee kaqaybqaadan doona, dekedaha laga dhoofin doono iyo heerarka tayada ee kalluunka looga baahan doono si uu u galo suuqa Shiinaha.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments