Shir looga hadlay horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo kobcinta maalgashiga ayaa lagu dhiirrigeliyay ganacsatada Soomaaliyeed inay ballaariyaan maalgashigooda, iyagoo diiradda saaraya qeybaha wax-soo-saarka leh sida kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda.
Madasha ayaa lagu adkeeyay in ganacsatadu ay ka gudbaan ganacsiyada ku kooban agabka fudud, isla markaana ay maalgashi ku sameeyaan warshadaha kalluunka, qaboojiyeyaasha casriga ah, iyo mashaariicda shaqo-abuurka, si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in ganacsatada iyo maalgeliyeyaasha ajnabiga ah ee doonaya inay ka shaqeeyaan Soomaaliya ay heli doonaan fursado ay kula shaqeeyaan ganacsatada gudaha, taasoo sare u qaadi karta maalgashiga iyo isdhaafsiga khibradaha.
Mas’uuliyiinta dowladda, oo uu ka mid yahay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u soo dhoweynayso maalgashiga, isla markaana ay diyaar u tahay fududeynta sharciyada iyo habraacyada lagu taageerayo mashaariicda horseedaya shaqo-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha badda.
Dhanka kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay doorka shirkadda SOMTURK, oo ah shirkad wadajir ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Turkiga ee OYAK Group aasaaseen bishii Diseembar 2025.
Shirkaddan ayaa ujeeddadeedu tahay horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, maareynta kheyraadka badda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo casriyeynta kaabayaasha kalluumeysiga.
SOMTURK ayaa sidoo kale la filayaa inay hormuud ka noqoto nidaaminta ruqsadaha kalluumeysiga, dhismaha qaboojiyeyaasha iyo warshadaha farsamaynta kalluunka, iyadoo la rajeynayo inay kordhiso dakhliga dowladda, abuurto kumannaan shaqo, isla markaana kalluumeysiga Soomaaliya u furto suuqyo caalami ah iyo tiknoolajiyad casri ah.
From the comments