Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

Maxaan ka Baran Karnaa Dhacdadii Garsoore Cartan?

Maxaan ka Baran Karnaa Dhacdadii Garsoore Cartan?

Ururka Kubbadda Cagta Adduunka ee Fédération Internationale de Football Association (FIFA) ayaa xalay si rasmi ah liiska garsoorayaasha Koobka Adduunka uga saaray garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan. Go’aankan culus wuxuu ka dhashay ka dib markii Laanta Ilaalada Xuduudaha iyo Kastamada Maraykanka ee Customs and Border Protection (CBP) ay Cartan u diidday inuu ka soo dego garoonka Miami 06 June 2026. Tallaabadan adag waxay gabi ahaanba soo afjartay rajadii uu Cartan tartanka qayb uga noqon lahaa, iyadoo meesha ay ka baxday fursad kasta oo wax looga qaban karay, sida in la dajiyo wadamada deriska ah ee Canada ama Mexico. Dhacdadan murugada leh waxay dhaaftay meertada warka maalinlaha ah iyo xayndaabka isboortiga caalamiga ah, iyada oo daaha ka qaadday sawirka dhabta ah ee siyaasadda xuduudaha adduunka, debecsanaanta diblomaasiyadda dalka, iyo baahida weyn ee loo qabo baraarug qaran.

Cartan, oo bisha November loo doortay Garsooraha Sannadka 2025 ee Qaaradda Afrika ee Confederation of African Football 2025 (CAF 2025), wuxuu dhibbane u noqday baaritaano dhanka amniga ah oo dhalashadiisa lala xiriiriyay. Inkasta oo uu watay dalkugal sax ah iyo baasaboor diblomaasi ah, haddana go’aanka dawladda Maraykanka ayaa noqday mid kamadanbays ah. Afhayeen u hadlay FIFA ayaa xaqiijiyay in garsooruhu uu gabi ahaanba seegi doono kulamada tartanka adduunka. Khasaarahan ma aha mid shaqsi ah ama mid dalka ah, ee waa dhabarjab weyn oo ku dhacay matalaaddii isboorti ee guud ahaan qaaradda Afrika, maadaama uu ahaa garsooraha kaliya ee ka socda gobolka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Yaa ka Horreeyay Garsoore Cumar Cartan?

Xannibaadda lagu sameeyay Cumar Cartan ma aha dhacdo ugub ah, balse waxay kamid tahay taxane dhacdooyin ah oo horay u soo dhacay. Tallaabooyinka is-daba-joogga ah ee ay qaadayaan waaxaha socdaalka ee reer galbeedku waxay hoosta ka xariiqayaan xaqiiqo xanuun badan oo ah in kalsonidii iyo haybaddii baasaboorka dalka uu meesha ka baxay. Dadka ay arrintani saamaysay ayaa u badnaa dhalinyaro hibo lahaa iyo masuuliyiin magac lahaa. Dhawr dhacdo ayaynu tusaale u soo qaadan karnaa.

  • Xayiraaddii Xildhibaannada (August 2024): Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ee U.S. Department of State ayaa si wadajir ah dal-ku-gal ugu diidday in ka badan 30 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad Federaalka Soomaaliya. Hay’adda CBP ayaa shaaca ka qaadday in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in ku dhawaad 700 oo shaqaale dawladeed iyo mas’uuliyiin ah oo horay ugu safray baasaboorada diblomaasiga ay dalka Maraykanka iska dhiibeen, marka laga reebo 100 qof oo dib ugu laabtay Soomaaliya. Tani waxay keentay in Maraykanku uu gabi ahaanba kalsoonida kala laabto baasaboorka dalka heerarkiisa kala duwan, isagoo adkeeyay baaritaanka madaxda.

  • Feeryahannad Ramla Ali (December 2025): Feeryahanadda caanka ah ee Soomaali-British-ka ah, Ramla Ali, ayaa laga saaray tartankii weynaa ee ay qabanqaabinaysay shirkadda Netflix ee ka dhici lahaa magaalada Miami ee dalka Maraykanka. Laanta Ilaalada Xuduudaha Maraykanka ee CBP ayaa u diidday dalkugalka, iyadoo sababtu ahayd safarkii ay Sebtembar 2025 ku tagtay magaalada Muqdisho. Inkasta oo madaxda dawladda Soomaaliya ay u ballanqaadeen baasaboor diblomaasi ah, si loogu fududeeyo safarka, haddana ballanqaadkaas laguma guulaysan waqtigiisii, taas oo keentay in tartanka laga saaro.

  • Aqoonyahan Abdirashid Hashi (January 2017): Isaga oo haysta dhalashada dalka Kanada, ayaa si toos ah looga joojiyay nidaamka dalkugal-la’aanta elektaroonigga ah ee Maraykanka ee Visa Waiver Program (ESTA) mar uu rabay inuu safar shaqo u aado dalkaas. Cabdirashiid Xaashi oo ah aasaasihii iyo agaasimihii hore ee machadka cilmi-baarista ee Heritage Institute, ayaa Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka ee Department of Homeland Security (DHS) ku sifaysay joojintaas mid salka ku haysay sharciga kahortagga argaggixisada ee Visa Waiver Program Improvement Act. Xeerkan wuxuu mamnuucayaa in nidaamka ESTA ay isticmaalaan dadka haysta dhalashada dalalka reer galbeedka laakiin u dhashay ama booqday waddamada ay dawladda Maraykanku u calaamadsatay inay halis amni ka jirto, kuwaas oo ay Soomaaliya safka hore kaga jirto.

Falanqayn Guud

Wargeysyada iyo warbaahinta waaweyn ee caalaamiga, sida The Guardian iyo BBC Sport ayaa weydiimo ka keenay sinnaanta fagaarayaasha caalamiga ah. Tallaabadan waxay muujisay in halkii tartamada waaweyn loo isticmaali lahaa is-dhexgalka iyo isu-soo-dhowaynta bulshada, ay hadda u afduuban yihiin siyaasadda xuduudaha ee waddammada xoogga weyn. Dhacdadan waxay muujisay in hibada shaqsiga ah ee lagu soo tabcay dhowr iyo tobanka sano ay si fudud ku dhex dhiman karto loollanada siyaasadda iyo shuruucda xuduudaha.

Xeerka cusub ee dawladda Maraykanka ee xariyaraadda safar (travel ban) oo saameeyay 39 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, wuxuu meesha ka saaray mabaadi’dii isboortiga ee la dhihi jiray waa laga fogaanayaa siyaasadda. Adduunka maanta, meesha aad ku dhalatay iyo baasaboorka aad sidato ayaa go’aaminaya inta ay la eg tahay masaafada ay hibooyinkaagu gaari karaan.

Dhanka kale, maqnaanshiyaha Cartan ma aha dhabar-jab ku dhacay isaga iyo dalka Soomaaliya oo kaliya, ee waa khasaaro weyn oo ku dhacday guud ahaan qaaradda Afrika. Cartan wuxuu ahaa garsooraha kaliya ee matalayay dhammaan gobolka Bariga iyo Bartamaha Afrika (Sub-Saharan Africa). Markii garoonka Miami dib looga celiyay, Afrika waxay weyday codkii iyo matalaaddii ugu sarraysay ee garsoornimo ee tartanka ugu weyn kubbadda cagta adduunka. Arrintani waxay muujisay sida nuglaanta iyo daciifnimada wadamada soo koraya ay saamayn ugu leedahay masiirka dhalinyaradooda marka la joogo fagaarayaasha ay maamulaan wadamada reer Galbeedka.

kiisaska kor ku xusan oo ay ugu dambaysay xannibaadda Cumar Cartan waxay hoosta ka xariiqeen xaqiiqo xanuun badan oo dhanka diblomaasiyadda ah. Taas oo ah in baasaboor diblomaasi ah oo muwaadinka la iska siiyo aysan keeni karin dammaanadqaad siyaasadeed iyo tixgelin caalami ah. Tusaalaha ugu fudud ee qofka Soomaaliga ahi ku fahmi karo arrintani, waa adigoo dhan kasta ka diyaarsan, aqoon iyo waaya-aragnimo buuxdana u leh shaqo, haddana lagu dhaho waxaad fursaddan ku weyday kaliya inaad dhalasho ahaan ka soo jeeddo reer hebel oo waxaa tahay laangaab. Waa uun nidaamkii qabiilka ee gudaheenna ka jiray oo ay dunida nagu la macaamishay.

Gunaanad

Ugu dambayntii, xaaladda uu wajahay Cumar Cartan waa in dalka iyo dadka u noqoto baraarug qaran oo aad u weyn. Waa in aysan noqon sheeko dhowr maalmood la hadal-hayo ka dibna la iska illoobo. Muwaadinka Soomaaliga ah waa inuu fahmo qiimaha uu maanta dunida ka joogo, kaas oo ka hooseeya heerka laangaabnimada. Waa inaad isweydiisaa haddii uu qabiil dunida wax ka tarayo, muxuu maanta qabiilku wax ugu qabanwaayay marka Cartan laga soo celinayay garoonka Miami?

Tani waa farriin cad oo inoo sheegaysa in qarannimo iyo ummadnimo aan wax kaga goosan karno cadka ay dunida kala qaybsanayso oo aysan qaadan karin qolo naga mida haddii ay ka tagto qolada kale. Haddii aan dalkeenna gudihiisa laga dhisin nidaam adag iyo kaladanbayn uu sharcigu sarreeyo, hibooyinka dhalinyarta Soomaaliyeed waxay sii ahaan doonaan kuwo ku qasban inay u haajiraan dalalka shisheeye, si ay u matalaan, iyaga oo ka raadinaya  dammaanadqaad iyo fursado, sida orodyahanka caanka ah ee Sir Mo Farah, ama waxa ay noqonayaa kuwa diida dalal shisheeye inay u tartamaan oo go’aansada inay dalkooda matalaan, haddane laangaabnimada dalkeena daciifnimada diblomaasiyadeed ay caqabad ku noqoto, sida garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo kale. Sidaas darteed, waa inaan cashar ka barannaa xaaladdan, si aan u dhisno qaran adag oo ilaaliya sharafta iyo haybadda muwaadinka iyo hibooyinkiisa.

Get Goobjoog updates

From the comments