Goobjoog

Aragtida Xorta Ah

Fasuul Cabdalla: 15 Sannadguuradii ka soo Wareegatay Dilka Wakiilkii Al-Qaacidda ee Bariga Afrika

Fasuul Cabdalla: 15 Sannadguuradii ka soo Wareegatay Dilka Wakiilkii Al-Qaacidda ee Bariga Afrika

Maanta oo kale, 08 Juun, waxay ku beegan tahay, 15 sano ka hor, markii duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay argaggaxiye Fasuul Cabdalla Maxamed, oo ahaa wakiilkii iyo maskaxdii istiraatiijiyadeed ee al-Qaacidda ee Bariga Afrika, isla markaasna ahaa farsamayahankii ka danbeeyay weerarradii masiibada ahaa ee safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daarusalaam sannadkii 1998dii. Fasuul, oo ahaa madaxa unugga qaabilsan saadka iyo iskuxirka caalamiga ah ee gobolka, wuxuu muddo labaatan sano ah ku jiray liiska argaggaxisada ugu doonista badan caalamka, iyadoo dawladda Maraykanka ay madaxiisa dul dhigtay lacag abaalmarin ah oo gaaraysa 5 milyan oo doollar. Geeridiisa oo timid sannadkii 2011kii, ka dib markii uu ku dhacay barkontorool oo ay ciidanka dawladda Soomaaliyeed leeyihiin, waxay soo afjartay nolosha nin labaatan sano ka shaqaynayay hawlo argaggaxisnimo.

Haddaba, maqaalkan wuxuu si qotadheer u falanqaynayaa sooyaalkii nololeed iyo barbaarintii Fasuul ee dalka Comoros. Sidoo kale, maqaalku wuxuu lafagurayaa habmaamulkii shabakadaha saadka ee uu ka dhisay xuduudaha gobolka, aasaasiddii unugga Jaysh Ayman, iyo khilaafkii ragaadiyay isaga iyo hoggaanka sare ee al-Shabaab. Ugu danbayntii, maqaalku wuxuu iftiiminayaa xaqiiqada rasmiga ah ee ka danbaysay habeenkii uu u gacangalay ciidanka dawladda.

Waa Kuma Argaggaxiye Fasuul?

Magaaladii lagu dilay oo ahayd caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, magaalo u jirta 2,643km ayuu ku dhashay, taas oo ahayd caasimadda dalka Comoros ee Moroni. Walow uu adeegsan jiray siddeed magac, waxayse labadiisa waalid ugu wanqaleen Cabdalla Maxamed Fasuul. Inkastoo warbixinnada reer Galbeedka ay sheegaan inuu dhashay bishii December sannadkii 1974, balse buuggiisa xusuus-qorka ee The War Against Islam iyo baaritaannada rasmiga ah ee laga dhex helay kombiyuutarkiisa, waxaa ku xusnayd inuu dhashay August 1972.

Comoros waa dal jasiirad ah oo ku dhex yaalla marinka Mozambique ee Badweynta Hindiya, una dhexeeya xeebaha bariga Afrika iyo jasiiradda Madagascar. Jasiiradahan silsiladda ah waxay ka kooban yihiin dhul yar oo ay ku nool yihiin dad aad ugu dhagan diinta Islaamka, iyadoo dhaqankooda asalka ah uu yahay midka faca weyn ee bulshada Sawaaxiliga ee xeebaha ku dhow. Markii uu Fasuul dhashay bilowgii toddobaatanaadkii, jasiiraduhu waxay ku jireen marxalad kacdoon gobannimadoon ah oo ay isaga dul qaadayeen gumaysigii Faransiiska, iyadoo ugu danbayntii ku guulaystay inay xorriyadda qaataan bishii July ee sannadkii 1975. Wixii intaas ka danbeeyay, dalku wuxuu galay xasilloonidarro siyaasadeed oo dabo dheeraatay, saboolnimo baahsan, iyo afgenbiyo isdabajoog ah. Haddaba, go’doonka dhinaca juqraafiga iyo qalalaasaha maamul ee ragaadiyay Comoros, waxay keentay inay ku kacaamaan jiil dhan oo indhaha dibadda u taagayay, si ay u helaan nolol iyo fursado ka fiican midka ay jasiiraddu u fidin karto. Degaankaas ay duruufaha qallafsan hareeyeen ayuu ku dhashay kuna barbaaray waxna ku bartay Fasuul.

Haddaba, geeddisocodkiisa nololeed ee yaraannimo iyo waxbarasho waxa uu ku qaatay  dalkiisa hooyo ee Comoros, halkaas oo uu siddeedameeyadii ku qaatay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd iyo middii sare ee diinta, kuwaas oo qaabeeyay aragtidii danbe ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu gudbay. Barbaarintaas dhexdeeda wuxuu sidoo kale ku bartay shan luuqadood oo kala ah: afkiisa hooyo, Faransiiska, Carabiga, Ingiriisiga, iyo Sawaaxiliga. Sannadkii 1990 ayuu u kicitimay dalka Pakistan isagoo helay fursad waxbarasho oo jaamaceed, si uu usoo barto cilmiga kumbiyuutarka. Waxaase durbadiiba qaatay mawjaddii jihaadka caalamiga ahayd ee lagaga dhawaaqay dalkii dariska la ahaa midka uu waxbarashada u joogay oo ahaa Afgaanistaan. Wuxuuna iska xaadariyay xeryaha tababbarka al-Qaacidda ee Afgaanistaan, halkaas oo uu ku hantay xeeladaha isgaarsiinta qarsoon iyo farsamada walxaha qarxa. Aqoontaas farsamo waxay u gogol-xaartay inuu sannadkii 1993 soo galo gobolka Gedo ee Soomaaliya, si uu tababarro u siiyo xoogaggii “Al-Ittihad Al-Islami”, isagoo sannadkii xigayna u wareegay magaalada Nairobi, si uu halkaas uga yagleelo ganacsiyo qarsoodi ah oo gabbaad u noqda saadka iyo maaliyadda kooxda al-Qaacidda.

Kaartadii saadka ee uu dhisay waxay saldhig u noqotay weerarradii safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daarusalaam ee dhacay sannadkii 1998, isagoo markii danbana agaasimay weerarradii huteelka Paradise iyo iskudaygii diyaaraddii Israa’iil ee Mombasa sannadkii 2002. Weerarradan ayaa sababay masiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh, iyadoo wadarta guud ee khasaarihii nafeed ee ka dhashay ay gaartay dhimashada ku dhowaad 240 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 4,160 qof oo u badnaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Muddadaas oo dhan wuxuu adeegsanayay magacyo been-abuur ah iyo xeelado uu kaga dhuumanayay sirdoonka caalamiga ah. Ugu danbayntii, caddadiskii amniga ee ku qabsaday Kenya wuxuu ku khasbay inuu sannadkii 2007 gabbaad rasmi ah ka dhigto gudaha Soomaaliya, isagoo ku dhex milmay hoggaanka sare ee kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab (AS), halkaasna ka aasaasay unugga gaarka ah ee Jaysh Ayman.

Maaraynta Hawlgallada

Sida lagu falanqeeyay buugga Inside Al-Shabaab ee ay qoreen suxufiyiinta Harun Maruf iyo Dan Joseph, soo galitaankii rasmiga ahaa ee Fasuul ee gudaha Soomaaliya sannadkii 2007, wuxuu isbeddel weyn u horseeday habkii ay u hawlgalayeen garabka milateriga ee kooxda AS. Intii uu ku sugnaa degaannada jasiiradda ku dhow iyo xeryaha qarsoon ee kaymaha Jubbada Hoose, wuxuu asaasay garabka la magacbaxay “Jaysh Ayman”. Sababta ugu weyn ee uu unuggan u aasaasay waxay ahayd inuu abuuro cudud gaar ah oo fulisa istiraatiijiyaddii al-Qaacidda ee ballaarinta jihaadka Bariga Afrika, isagoo ka faa’iidaysanaya nuglaanta xuduudaha si uu weerarrada ugu wareejiyo gudaha dalka Kenya, isla markaasna uu u hantiyo dhalinyarada ku hadasha afka Sawaaxiliga ee laga soo qoray xeebaha gobolka.

Sida lagu xusay xogaha xarunta CTC West Point, muddadii uu unuggan dhisayay waxaa soo kala dhex galay isaga iyo hoggaanka sare ee kooxda argaggaxisada ah ee AS, gaar ahaan Axmed Cabdi Godane, ismaandhaaf iyo khilaaf hoose. Tani waxay ka dhalatay rabitaankii Godane ee ahaa inuu unko nidaam maamul oo hal meel laga hoggaamiyo, isagoo diiddanaa in Fasuul uu sameeyo unug si uga madaxbannaan hoggaanka kooxda. Ismaandhaafkii ayaa cirka sii galay marka la isku qabtay dhaqaalaha iyo doorka madaxbannaanida ee dagaalyahannada ajaaniibta ah ee Fasuul asaasay.

Dhanka kale, habka uu u maareeyay hawlgallada waxay tusaale u tahay heerka ugu sarreeya ee hirgelinta xeeladaha loo yaqaanno xeeladaha dhawrista iyo qarinta sirta hawlgallada. Sida lagu xusay baaritaannada hay’adaha sirdoonka caalamiga ah, wuxuu ku dhowaad labaatan sano ka badbaadayay daba-galkii iyo ugaarsigii ugu weynaa ee dunida ka dhaca, isagoo adeegsanaya farsamooyinkii qotada dheeraa ee uu buuraha Afgaanistaan ka soo bartay. Fasuul wuxuu si joogto ah u beddeli jiray wajigiisa, qaabnololeedka qoyskiisa, iyo magacyadiisa, isagoo adeegsan jiray magacyo been abuur ah oo ay kamid ahaayeen Abdul Karim iyo Abuu Cabdi. Sidoo kale, buuggiisa xusuusqorka ah waxaa laga fahmayaa in marnaba uusan ka tegi jirin wax raad elektaroonig ah marka uu farriimaha u gudbinayo unugyada hoostaga, taas oo ka dhigtay mid kamid ah shakhsiyaadka ugu dhuumashada ee taariikhda al-Qaacidda.

Sida lagu falanqeeyay xarunta CTC West Point, Fasuul wuxuu ahaa maskaxdii ka danbaysay naqshadaynta shabakadaha saadka ee isaga gudbi jiray xuduudaha Bariga Afrika, isagoo isku xiri jiray Soomaaliya, Kenya, Tansaaniya, iyo jasiiradaha Comoros. Sida ay xaqiijiyeen baarayaasha amniga, maamulkiisa dhanka saadku ma ahayn mid ku kooban dhaqdhaqaaqa ciidanka oo kaliya, balse wuxuu salka ku hayay aasaasidda ganacsiyo dhawr iyo hanti maguurto ah oo ku yaalla magaalada Nairobi, kuwaas oo loo adeegsan jiray gabbaad maaliyadeed iyo marin qarsoodi ah oo loo mariyo saadka iyo agabka qaraxyada. Haddaba, sida uu Fasuul u qaabeeyay marinnada saadka, waxay awood u siisay unugyada al-Qaacidda inay si dhib yar hubka iyo lacagaha uga tallaabiyaan xuduudaha gobolka, taasi oo suurtagelisay fulinta weerarradii masiibada ahaa ee dhacay sannaddadii 1998 iyo 2002 iyo kuwii ka danbeeyay.

Dhimashadii Fasuul

Sida lagu xusay falanqaynta xarunta CTC West Point iyo warbixinnada sirdoonka gobolka, 08 Juun, sannadkii 2011, isaga iyo kuxigeenkiisii dhanka iskuxirka ee Cali Dhere, waxay ku jireen safar qarsoodi ah oo ay uga soo guurayeen fariisimaha gobolka Shabeellada Hoose. Jidka oo ay ka habaabeen ayaa sababay inay ka weecdaan halkii ay u socdeen, iyagoo si lama filaan ah u abbaaray barta kontoroolka ee Sarkuusta ee duleedka caasimadda Muqdisho, halkaas oo ay fadhiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo xilligaas ku jiray diyaargarow sare, sababo la xiriira dagaalladii ka socday.

Sida ay xaqiijiyeen hay’adaha amniga dawladdii kumeelgaarka ahayd iyo khubaro sirdoon oo caalami ah, markii Fasuul la dilayay ee ay askarta rasaas ku furayeen inaysan aqoon u lahayn qofka ay dilayaan inuu ahaa ninkii loogu doonista badnaa labaatankii sano ee la soo dhaafay. Inaan markiiba la aqoonsan waxaa qayb ka ahayd wajigiisa oo isbeddelay iyo baasaboorka uu watay, balse baaritaanno qotodheer oo dhanka hiddasidayaasha iyo agabkiisa, waxay keentay in la aqoonsado.

Dilka Fasuul ma ahayn mid ku yimid hawlgal sirdoon oo qorshaysan ama shil iska dhacay. Waxayse ahayd shirqool laga soo maleegay gudaha kooxda AS. Taas oo keentay in dhaawac weyn uu soo gaaro istiraatiijiyaddii ugu weynayd ee ku dhacda silsiladda al-Qaacidda ee Bariga Afrika, marka loo eego miisaanka hawlihii uu gacanta ku hayay. Sida laga helay xogaha laga soo saaray kombiyuutarkiisii gacanta iyo baasaboorkii been-abuurka ahaa ee dalka Koonfur Afrika, Fasuul wuxuu xilligaas ahaa ninka rasmiga ah ee isku xira hoggaanka sare ee al-Qaacidda iyo kooxda al-Shabaab, ahaana maskaxdii unugtay garabka “Jaysh Ayman”. Geeridiisu waxay si rasmi ah u joojisay qorshayaal casri ah oo saadka iyo maaliyadda lagu maamulayay iyo weerarradii uu ka maleegayay gudaha dalka Kenya.

Inkastoo dilkiisu uu si muuqata uga dhacay bar kontorool, haddana baaritaannada danbe iyo xogaha sirdoonka ayaa muujiyay in geerida Fasuul aysan ahayn dhacdo kedis ah oo kaliya, balse ay salka ku haysay shirqool gudaha ah oo si weyn loogu tuhunsan yahay hoggaamiyihii kooxda al-Shabaab ee xilligaas, Axmed Cabdi Godane. Sida lagu xusay warbixinnada falanqaynta ee xarunta CTC West Point iyo qoraallada hay’adaha cilmibaarista amniga ee Foreign Policy Research Institute (FPRI), waxaa jiray tuhun xooggan oo sirdoonka caalamiga ah laga helay oo tilmaamayay in Godane uu si dadban uga danbeeyay in Fasuul ka lumo jidka oo uu habaabo, isagoo adeegsaday unuggiisa gaarka ah ee Amniyaadka, si uu meesha uga saaro garabka jilbaculusta ajaanibta ee al-Qaacidda ee loolanka baaxadda leh kula jiray hoggaankiisa.

Tuhunkan shirqoolka ah waxaa si cad u xaqiijiyay eedaymo rasmi ah oo markii danbe ka yimid xubnihii ugu sarreeyey kooxda, sida dagaalyahankii u dhashay Maraykanka ee Cumar Xamaami (Abu Mansoor Al-Amriki) iyo Ibraahim afgaani. Labadan sarkaál ayaa ka hor inta aan la qaarijin si cad u shaaciyay in Godane uu ugaarsi iyo shirqoollo ah ku laayay hoggaamiyayaasha ajnabiga ah, si uu awoodda kooxda ugu koobo gacantiisa. Sidaas darteed, inkastoo ay rasaastu ka dhacday qoryaha ciidanka dawladda, balse habaabitaanka Fasuul waxay si toos ah u fulisay rabitaankii Godane ee ahaa inuu xididdada u siibo cid kasta oo caqabad ku ah xukunkiisa.

Get Goobjoog updates

From the comments