Axmed Faraaj: Ka dib hadalkan xiisaha badan, laba qodob ayaa igu soo dhacay:
Kow: Qayb gaalada ka mid ah, ama kuwa diiday xaqa, ama kuwa aan Ilaahay rumaysnayn; waxa la arkaa mararka qaarkood in lagu kaalmeeyo arrimaha adduunyada, halka aan lagu kaalmaynin qofka muumminka ah ee Alle ka dhawrsada. Waxa dhacda inuu qofka muumminka ahi la kulmo imtixaan aanu la kulmin qofka gaalka ahi. Maxay u dhacdaa taasi? Laba: Haddii ay jiraan qof Alle ka dhawrsada iyo qof aan Alle ka dhawrsani, labadaasi miyay leeyihiin awood ay ku doorteen? Miyay jirtaa xorriyada ikhtiyaarku? Waayo marka la helo xorriyada ikhtiyaarka waxa imanaysa xisaab, taas oo ah ciqaab iyo abaalgud. Taasna noo caddee?
Sheekh Shacraawi: Xorriyadda ikhtiyaarku inay jirto waxa u daliil ah, qofka qasbani ciqaab ma laha. Waa maxay qasbiddu? Waa in lagugu qasbo waxaanad dooran. Mar kasta oo uu qof kugu qabso waxaanad dooran, ciqaabi kama dhalanayso. Qofkii kaa xumeeyay xorriyadii doorashada ayaa ciqaabtii kaala wareegay. Mar kasta ciddii xil ku saartaa, waa inay kuu dammaanad qaaddo ikhtiyaarka. Taas macnaheedu wuxuu yahay, Allihii ku abuuray adiga oo ikhtiyaar leh, waa inaad ku rumayso go’aan adiga kaa soo go’ay. Haddii ay awood kale ku soo farageliso, oo ay kugu qasabto waxaanad dooran xisaabtii way kaa wareegtay.
Weydiinta kale, waxay la xidhiidha arrimaha adduunyada iyo wixii la midka ah. Dhaqan ahaan arrimaha adduunyada waxaynu ognahay inay naftu abuur ahaan ugu heellan tahay Ma arkaysid qof lagu boorrinayo arrimihiisa adduunyada, qof kastaa wuu u heellan yahay adduunyada isaga oo sababeheeda iyo jidkeeda qaadaya. Muummin ha noqdo ama gaal e, qofkii sababeheeda raaca ayaa helaya adduunyada. Balse waxa jirta manaahij hagaysa dhaqdhaqaaqa muumminka ee nolosha.
Alle wuxuu yidhi, “Qofkii doonaya beerta aakhiro, waanu u kordhinaynaa falashadiisa. Qofka doonaya beerta adduunyadana wax baanu ka siinaynaa, aakhirana wax dheef ah kuma laha.”1 Mar kale wuxu yidhi, “Waxaanu u fidinaynaa kuwan iyo kuwaasba deeqda Rabbigaa; deeqda Rabbigaana ma ah mid xayiran.”2
Caalamka sababaha ee arrimaha adduunyadu waa mid u furan noolaha oo dhan. Qofka wax kasta sababtiisa raaca ayaa helaya. Kii shaqadiisa ku xeeldheer ayaa wanaageeda qaadanaya, ama muslin ha ahaado ama gaal e. Hasayeeshee, manhajka Ilaahay ma helayo qofka rumeeyay mooyaane qof kale. Manhajka Ilaahay yuu u gaar yahay? Wuxuu u gaar yahay muumminiinta. Muumminka rumeeya jiritaanka Ilaahay, ee ku kalsoon farista Ilaahay iyo xilka uu saaray, wixii uu amrayna hore ka qaata. Marka uu Alle ajiibana wuxuu helayaa kaalmada Ilaahay. Balse adduunyadu se liidashadeeda, sida uu Nebigu (scw) sheegay, Alle wuxuu siiyaa gaalka iyo muumminkaba. Sidaa darteed, looga ma tusaale qaadan karo arrimaha adduunyada, arrimaha waajibaadka diinta.
Si aynu arrintan u sii qeexno, aynu tusaale u soo qaadanno, marka qofka loo soo bandhigimo arrin adduunyadiisa la xidhiidha, oo ka fog waajibaadka cirka. Arday ayaa doonaya inuu barto kulliyadda injineeriyada, xilliganna wuxuu ku jiraa dugsiga hoose/dhexe. Ardaygaasi waa inuu u diyaargaroobo inuu kaalin sare ka galo dugsiga sare, oo ay buundooyinkiisu noqdaan intaas. Markaas haddii aanu haleelin kulliyadda injineeriyadda, mid u dhow ayuu helayaa.
Arday kale haddii uu doonayo inuu ka mid noqdo tobanka ugu sarreeya dugsiga sare, wuxuu u diyaarinayaa naftiisa iyo imtixaankiisa inuu sidaas noqdo. Haddii aanu markaas tobanka ugu sarreeya ka mid noqonnin, waxa laga yaabaa inuu labaatanka ugu sarreeya ka mid noqdo. Waa meel u dhow tobanka ugu sarreeya. Sidaasi maxay u dhacday? Waayo wuxuu gefay waxyaabo qorshaha ka mid ah.
Haddaba, qaddarku muxuu u soo faragelin waayay arrimaha adduunyada. Tusaale ahaan, ma qof baa ka baaqda inuu mushaharkiisa qaato bisha bilawgeeda? Ma jiro, inay qofka duruuf kale ku timaaddo mooyaane. Tusaale kale. Ka soo qaad madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa yidhi waxaan safar u baxayaa afarta subaxnimo, dhammaan wasiirradana waxaan doonayaa inay diyaar noqdaan, oo ay i sagootiyaan. Kuma ayaa baaqsanaya? Qofna. Maxay u baaqsan waayeen? Laakiin haddii lagu yidhaahdo salaaddii subax ayaa la eedaamayaa, ee u kac salaadda. Wuxuu odhanayaa haddii Alle ii qoray waan kici doonaa! Muxuu qaddarku tan u soo farageliyay, ee aanu ta sare u soo faragelin?!
Yaa ii sheegi kara qof ka mid ah ardaydii imtixaanka dugsiga sare u fadhiistay, kuwaas oo ay tiradoodu gaadhayso intaas oo kun, oo ka daahay xiisaddii koowaad ee imtixaanka, si kasta oo ay u fogtahay masaafada iyo gaadiidraacu. Muxuu arrimihiisa u tabaabusheeyay, oo uu u sameeyay wixii uu doonayay, balse marka lagu yidhaahdo tuko ama khayr samee, uu iska odhanayaa qaddarka ayaa i baajiyay. Muxuu qaddarku keliya u soo farageliyaa arrimaha waajibaadka diinta, halka uu arrimaha adduunyada qofku ugu tabaabushtaysto, ee haddii aanu gaadhinna, uu u helo wax u dhow?
Weydiinta ah dookhle ama dirane waxa kiciya dadka naftooda hoggaanka u sii daayay, arrintana wax isdiiddo ahi kuma jiraan. Haddii ay is diiddo ku jirto waxay odhan lahaayeen, “Haddii uu Ilaahay qofka u qoray macsiyo muxuu u cadaabayaa?” Annaguna waxaanu leennahay, weydiintaas dhinaceeda kale, “Haddii uu Ilaahay qofka u qoray addeecnimo muxuu abaalgud u siinayaa?”
Weydiinta labaad weligeen kamaynaan maqal. Su’aal kastaa waa ‘haddii uu Ilaahay macsiyo ii qoray muxuu ii cadaabayaa?’’ Isweydii haddii uu addeecnimo kuu qoray muxuu kuu abaalinayaa? Ma maqlayno, waayo weydiinta hore wuxuu u keenayaa in la dulmiyay ayuu u arkaa, halka uu ta kale u arko wax uu mudnaa. Wuxuu doonayaa irrid uu kaga baxsado culayska waajibaadka.
Markaa waxaynu leennahay, Allaha xaqa ahi, maaddaama uu kuu sameeyay garaad, garaadka wuxuu ka dhigay sababta xil xanbaarista. Waayo haddii aad waalan tahay xilka waa lagaa qaaday, haddii lagu qasbayna xilku wuu kaa dhacay, haddii aanad qaangaadh ahayna waa sidaas oo kale. Markaa inuu qofku shaqo qabto waxa shardi u ah inuu ikhtiyaar leeyahay, ikhtiyaarkuna ma imanayo, marka uu qofku karo inuu laba wax kala doorto mooyaane mar kale.Tusaale ahaan, telefiishanka waxaad gaysan kartaa janalka 5aad oo uu xadiis diini ahi ka socdo, sida oo kale waxaad gaysan kartaa janalka 7aad oo ay xaflad niiko ahi ka socoto. Labada janalba si fudud ayaad u arki kartaa, una gayn kartaa caqabad la’aan. Haddana ubadkaaga waxaad fartaa inay geeyaan janallo gaar ah, kuwa kalena aanay gaynin. Maxaad ku ciqaabaysaa? Kuma ciqaabaysid inay janalada abuureen, balse inay jannalada geeyeen. Labada janalba way jiraan, balse waxaad go’aansateen inaad mid keliya gaysataan.
Weydiin kale ayaa imanaysa sida uu leeyahay ustaad Axmed. Qof kastaa wuxuu leeyahay, “Maaddaama oo uu Ilaahay wax ii qoray, waxaan qabtaa maxay tarayaan?” Jawaabteennu waxay tahay, “Yaa ku ogaysiiyay waxa laguu qoray?” “Ma Loox Maxfuudka ayaad daalacatay, ka dibna waxaad ku soo aragtay in laguu qoray xerta khasaartay (اهل الشقاء)? Yaa kugu yidhi?” Cidna kumay odhan. Waxa laga yaabaa inuu ku jawaabo: ‘‘Marka aan u dhaqaaqo fal qarriban, ayaan fahmaa inaan ahay dadka khasaaray.’’ Waxaan ku leeyahay fal kasta oo xun miyaad ku kacdaa? Ma jiraan dad u samaysan khayr keliya, sidaa oo kale ma jiraan dad u samaysan shar keliyi.
Haddii uu Ilaahay si azali ah (ازلي) wax kuugu qoray, sababtu waa inuu Alle leeyahay abuurta, awoodda iyo aqoonta. Sifada aqoonta ee uu Ilaahay leeyahay ayaa ka dhigtay Ilaahay inuu yidhaahdo: waxaan abuurayaa addoonkayga hebel; waxaanan u yeelayaa ikhtiyaar arrimaha qaarkood, arrimaha qaarkood uma yeelayo; waxyaabaha aanu ikhtiyaarka u lahayn kuma xisaabinayo; balse waxaan ku xisaabinayaa wixii uu ikhtiyaar u leeyahay. Laakiin addoonkayga hebel waan garanayaa, wuxuu dooranayaa waxaas iyo waxaas. Alle isaga oo waxaas azali ahaan u og ayuu kuu qoray.
Axmed Farraaj: Cilmiga Ilaahay ma qasbid baa?
Sheekh Shacraawi: Waa weydiin meesha ku jirta. Cilmigu ma sifo qasbid ah baa? Cilmigu ma aha sifo qasbid ah, cilmigu keliya waa sifo daalacasho ah. Waa inay waxyaabuhu kuugu muuqdaan sida ay yihiin.
Tusaale fudud ayaan kuu soo qaadayaa. Waxaad igu soo booqatay guriga, anigana waxa ii jooga wiil adeege ah. Adeegihii waxaan u diray dukaanka si uu sharaab kuugu soo gado. Markii uu baxay wuu inaga daahay, ka dib waxaan kugu idhi, “Miyaad garanaysaa wuxuu u daahay?” Waxaad igu tidhi, “Maya ma garanayo”. Waxaan ku idhi, “Waxa jira wiil kale oo jidka dhiniciisa kale deggan, oo wiilkan cawaandad ku haysta. Markuu arko isaga oo wax loo soo diray, wuxuu kaxaysanayaa, waanu la ciyaarayaa, lacagtana wuu ka qaadanayaa. Markaa lacagtii way ka dhacantay wiilkii, oo wuxuu ka cabsanayaa inuu guriga yimaaddo.”
Hadalkaas waxaan idhi aniga oo guriga kula jooga. Markii uu wiilkii yimi waxaynu weydiinnay, maxaa kugu dhacay? Ka dibna wuxuu sheegay wixii aan kuu sheegay. Haddaba markii aan wiilka ka sheekaynayay iyo waxa uu samayn doono, ee aan idhi waxaas iyo waxaas ayaa ku dhici doona; anigu ma awood baan raaciyay ku qasbaysa inuu waxaas sameeyo, aan kugu idhi? Mise waa isaga iyo xaalkiisa uun? Markaas sidee baan u idhi anigu hadalkaas? Waxaan u idhi, waayo dhacdooyin hore ayaan ogahay. Dhacdooyinkaas aqoon ahaan ayuun baan u ogahay, balse ma lihi awood ku qasabta inuu fuliyo waxyaabaha aan idhi. Tusaalaha sare Ilaahay ayaa lehe, Alle si azali ah (=bilow iyo dhammaad aan lahayn), ayuu u og yahay waxa ku dhacaya addoonkiisa ikhtiyaarka leh. Markaas ayuu yidhi: addoonkaygu waxaas iyo waxaas ayuu samayn doonaa, markaasna waan u qoray. Taasi kama dhigna inuu ku qasbay, balse wuxuu og yahay waxa ka soo fulaya addoonkiisa.
Farqiga aqoonta dadka iyo ta Ilaahay u dhexeeyaa wuxuu yahay, aqoonta dadka waxbaa iska beddeli kara. Marar badan ayaan garan karaa wiilka waxaan ku sheegay inay dhab noqdaan, laakiin mar kale waxa laga yaabaa inta uu baxo, inuu gaadhi jiidho oo dhakharka la geeyo. Ka dibna wixii aan sheegay aanay waxba ka suurtagelin, taasina waa qalad dhanka cilmigayga ka yimi; balse Allaha Xaqa ah wax qalad ahi kama suuroobaan ogaalkiisa. Sidaas darteed beri hore ayuu wax qoray; isaga oo ogaaday waxa ka soo fulaya addoonkiisa ikhtiyaarka leh. Waxaa uu qorayna kama dhigna inuu qofka ku qasbay, waayo cilmigu waa sifo daalacasho, ee ma aha sifo saamayneed sida sifada awoodda.
Axmed Farraaj: Waa maxay macnaha aayadda, “Waxaanu ku hanuuninnay jidka; oo waa mid mahadnaqa ama waa mid abaaldhaca (gaalooba)”3? Waa maxay jidku?
Sheekh Shacraawi: Alle (SWT) marka uu leeyahay, “Waxaanu ku hanuunninay jidka,” jidka wuxuu ku qeexay, “Waa mid mahadnaqa ama waa mid abaaldhaca.” Jidku waa waddada uu marayo. Ama waa mid ka mahadnaqa nimcooyinka Ilaahay, ama waa mid ka abaaldhaca nimcooyinka Ilaahay. Labaduba waa karaankiisa.
Mar kale Alle wuxu yidhi, “Waxaanu tusnay labada dhabbo.”4 Wuxuu ka dhigay mid karaan u leh labadaba, ikhtiyaarkiisa ayaanu ku kala raacayaa. Haddii laguu abuuri lahaa jid keliya, waxaad odhan lahayd: maya anigu ma karo inaan raaco jidka kale. Imika labada jidba waa laguu tilmaamay, waxaana lagaa sugayaa laba midkood: inaad noqoto mahadnaqe ama abaaldarane. Labada xaaladood inaad kartaa isma diidayaan, keliya doorashadaada ayaa xukunta. Doorashadana maxaa xukuma? Shaki la’aan waa caqliga; waana shaqadiisa.
Alle markii uu yidhi, “Waxaanu tusnay labada dhabbo” wuxu yidhi, “Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo iftiinkeeda * Iyo dayaxa marka uu raaco * Iyo Maalintu markay faydo * Iyo Habeenku markuu daboolo * Iyo cirka iyo kii dhisay * Iyo dhulka iyo kii fidiyay * Iyo nafta iyo kii simay * Ee ku ilhaamiyay jid’dhaafkeeda (faajirnimadeeda) iyo dhawrsoonaanteeda* Ee waxa liibaanay kii hufa (naftiisa) * Waxaana khasaaray kii dhunbiya.”5
Markaa naftu way u samaysan tahay inay faajirad noqoto, iyo inay dhawrsato noqoto; sidaas ayuu Ilaahay u abuuray. Markaas ka dib, “Waxa liibaanay kii hufa * Waxaana khasaaray kii dhunbiya.” Bartaas kala doorashada ayaanu imtixaanku ku jiraa, oo la isku xisaabinayaa.
Axmed Farraaj: Alle (SWT) waa caddaaliga dhammayska tiran. Haddaba, qofka cimrigiisa oo dhan macsiyo ku qaatay, ciqaabta aakhiro ee la marsiinayaa miyay u qalantaa macsiyadaas? Quraanku wuxuu inoo sheegay inuu naarta ku waarayo, danbiyada waaweyn haddii uu sameeyo iyo macaasida waaweyn?
Sheekh Shacraawi: Mudane, inta aanad ka hadal ciqaabtu ma u qalantaa qofka, horta marka hore ma rumaysan tahay Allaha Ciqaabaha ah laftiisa mise ma rumaysnid? Marka hore waa inuu qofku rumeeyo Ciqaabaha iyo caddaaladiisa. Haddii aad caddaaladiisa rumaysan tahay kama shakiyaysid garsoorkiisa. Marka aad leedahay ciqaabtu miyay u dhigantaa danbiga? Isaga ayaa ku abuuray, oo ku yidhi taasi waa dhagar, isaga ayaana ciqaab u dejiyay. Markaa ma odhan karo ma isu qalmaan mise maya? Haa, way isu qalmaan.
Haddii uu qofku si guud u fiiriyo adduunyada, isaga oo fidradiisa ka tilmaan qaadanaya, ma wuxuu ku hanuunayaa inuu keligii ku nool yahay kawnka mise inay kawnkan ka danbayso awoodi? Waa lamahuraan inay kawnkan awoodi ka danbayso. Awoodaas waxa u yaalla xeerka khiyaamada weyn, khiyaamada weyna ciqaab ayaa ka dhalanaysa. Khiyaamada weyni waxay la xidhiidhaa rumaynta jiritaanka Alle. Wixii intaas ka sokeeya ma la dhaafi karaa mise maya? Alle ayaa ka jawaabay, “All ma dhaafo in cid kale lala caabudo, wixii taa ka sokeeyana cidda uu doono ayuu u dhaafa; qofkii Ilaahay shuraako la wadaajiyaana wuxuu lumay lumitaan fog.”6
Maaddaama oo danbiga uu galay uu taagan yahay figta gaalnimada, taas oo ah khiyaamo weyn, oo iimaanka la xidhiidha; lama odhan karo ciqaabta ayaa danbiga ka weyn, waayo “shirkigu waa dulmi weyn,”7 Ciqaabi ma jirto haddii aanay dhagari jirin, dhagar aan waxyi sheeginna maaha dhagar. Sidaa darteed, Allaha Xaqa ahi haddii uu qeexay dhagarta, oo uu ciqaabteediina qeexay, iima furna aniga inaan idhaahdo, waayo? Maxaa yeelay, isaga ayaa xadiddaya, ee anigu ma ihi ka xaddidaya.
Haddii aynu caqligeenna ku qiyaasno dhagarta, waxaynu leennahay farqi ayaa u dhexeeya dhagarta figta sare ah iyo dhagarta hoose. Dhagarta laga galay qudha Ilaahay ma jirto dhagar ka weyni. Waa khiyaamo weyn, maadaama oo ay tahay khiyaamo weyna, lama odhan karo ciqaabteeda ayaa yar. Wixii intaas ka soo hadhay Alle wuu dhaafi karaa, si aanay addoomuhu u quusan.
Axmed Farraaj: Aayadaha Quraanka ah ee ah, “Ku dheh addoomahaygii naftooda xadka ka tallaabiyayoow ha ka quusannina naxariista Ilaahay. Alle wuu dhaafaa danbiyadda oo dhan, isagu waa Danbidhaaf-badanaha Naxariistaaga ah.”8 Adiga oo mahadsan noo sharrax danbiyadaas? Ma danbiyada waaweyn baa mise waa kuwa yaryar?
Sheekh Shacraawi: Sida aynu hore u soo sheegnay, haddii aynu hal aayad aragno aayadaha kalena waa inaynu la akhrino, waxa laga yaabaa inaynu ka helno fahane. Taasi waxay ka hortegaysaa inay maskaxdu inoogu sheekayso beenta ah is-diiddooyin iyo khilaaf ayaa aayadaha ku jira; ama waxay inagu hagaysaa inaynu aayadaha qaar dabarno qaarna furno.
Aayaddan ah, “Dheh addoomahaygii naftooda xadka ka tallaabiyayoow, ha ka quusannina naxariista Ilaahay; Alle wuu dhaafaa danbiyadda oo dhan.” Weedha ah, “Wuu dhaafaa danbiyada oo dhan” shirkigu kuma jiro, waayo shirkigu ma aha danbi. Danbigu waa inaad samayso waxaad rumaysan tahay inuu ciqaab leeyahay. Shirkigu se waa khiyaamo weyn, sidaynu hore u sheegnay. Waxa u daliil ah, aayadda labaad ayaa leh, “Alle ma dhaafo in cid kale la caabudo; wixii intaa ka sokeeyana, cidda uu doono ayuu ka dhaafaa.” “Danbiyada oo dhan wuu dhaafaa” waxa looga jeedaa wixii danbi loo yaqaanno, shirkigana kuma sheegi kartid danbi, wuu ka weyn yahay danbi.
Danbigu waa inaad rumayso manhaj, ciddii manhajka dejisayna ay ku tidhaahdo waxaas iyo waxaas samee; ka dibna marka aad khilaafto wixii lagu faray waxa ka dhalanaya danbi. Balse marka aanad rumaysnaynba cidda manhajka dhigtay, taasi ma soo gelayso danbiga. Sidaas ayay mufasiriinta oo dhami u yidhaahdeen, “Ilaahay danbiyada oo dhan wuu dhaafaa, wixii aan shirki ahayn.” Shirkigu danbiyada ma soo galayo.
Haddaba, Ilaahay ma doonistiisa ayuun buu ku xidhay danbidhaafka, mise macne kale ayaa aayadaha ku jira? Wuu xusay, “Ilaahay danbiyada oo dhan wuu dhaafaa” balse maxaa kale oo uu ku daray, “U soo laabta Rabbigiin, oo u hoggaansama”. Ha is-dhigan oo ha odhan danbiyada oo dhan wuu dhaafaa, ee isaga ayaa yidhi, “U soo laabta Rabbigiin, oo u hoggaansama, kahor inta aanu cadaabku idiin iman hii; la’aan * Oo raaca waxa ugu wanaagsan ee Rabbigiin idiin soo dejiyay, inta aanu cadaabku idiinku iman si kediso ah, idinka oo aan dareensanayn * Iyo inta aanay nafi odhan qoommamadaydee waan dayacay arrinkii Ilaahay, waxaanan ka mid ahaa kuwa ku dheeldheela.”9
Ilaahay markuu yidhi,”Ilaahay danbiyada oo dhan wuu dhaafaa” ka dibna uu yidhi, “U soo laabta Rabbigiin,” haddii ay soo laabashadu tahay tawbadda, tawbaddu wixii ka horreeyay way tirtaa. Haddii aanad toobbadkeenin, ayaada waxa ku dahsoon inaanu eebbe dhaafayn. Haddii aad danbaabto ha odhan danbigu wuu ila soconayaa, waayo toobbada ayaa tirtiraysa, xumaantana waxa laguugu beddelayaa wanaag. Balse qofku haddii uu ku talaxtago danbiga, ka dibna aanu toobbadkeenin, oo aanu wanaag ka dabageynin tirtira; ka dibna uu Ilaahay rejooyin ka fisho, taas wuu diiday Islaamku.
Axmed Farraaj: Ashahaadada, “Waxaan qirayaa inaanu ilaah kale jirin, Alle mooyaane” waxaynu og nahay inay tahay tiirka ugu muhiimsan Islaamka. Waxaynu og nahay inuu Rasuulka Ilaahay (scw) saddex iyo toban sanno ku qaatay keliya inuu macnahaas dadka ka dhaadhiciyo. Haddaba ma qaddiyad hadal uun ku xidhan baa mise waa mid nolosha oo dhan ku xidhiidhsan? Mawduucan ayaan doonayaa inaan fasir u helo?
Sheekh Shacraawi: Bilawga suuradda “al-Munaafiquun” ayaa jawaab buuxda ku siinaysa. Alle wuxuu yidhi, “Markay kuu yimaaddaan munaafiqiintu waxay ku dhihi waxaanu qiraynaa inaad Rasuulkii Ilaahay tahay” Maxay yidhaahdeen munaafiqiintu, “Waxaanu qiraynaa inaad Rasuulkii Ilaahay tahay, Allena wuu og yahay inaad Rasuulkiisii tahay” . Haddana wuxu yidhi, “Ilaahayna wuxuu qirayaa inay munaafiqiintu been sheegayaan” Maxay been ku sheegayaan, saw kuwan leh, “Waxaanu qiraynaa inaad Rasuulkii Ilaahay tahay”. Iyagu been kuma sheegayaan hadalka ah, “Inaad Rasuulkii Ilaahay tahay,” waxay been ku sheegayaan hadalkooda ah, “Waxaanu qiraynaa inaad Rasuulkii Ilaahay tahay.” Macnaha qiritaanku waa hadal carrabka laga yidhaahdo, oo waafaqa caqiido qalbiga ah. Inuu Rasuulkii Ilaahay yahay been kama sheegayaan, ee waanu qiraynaada ayay been ka sheegayaan, waayo carrabkooda iyo qalbigoodu isma waafaqsana. Ka maragga loo furayo run bay ka sheegayaan, oo waa Rasuulkii Ilaahay, balse maraggooda ayaa been ah. “Waanu qiraynaa” afka ayay ka yidhaahdeen, ee qalbiga kamay odhan. Maraguna wuxuu ku ansaxaa afka iyo uurku markay wada socdaan.
Haddaba mar haddii aad qirayso, “Alle kale inaanu jirin Ilaahay mooyaane,” habka noloshaada oo dhan ku socodsii hannaanka, “Laa Ilaaha Illa Allaah”. Mid la caabudaa ma jiro Ilaahay mooyaane, mid loo hoggaansamaa ma jiro Ilaahay mooyaane, maamulka Ilaahay ayuun baa leh. Sababta aad raacday, haddii aad wax ku hesho iyo haddii aad wax ku weydaba, waa falka Ilaahay uun. Caqiidadani waa inay ku baahdo habdhaqankaaga oo dhan. Waa inay carrabka iyo qalbigu is waafaqaan, taasina waa dhanka caqiidada iyo yaqiinsiga. Ka dib ku dabbaq habdhaqankaaga oo dhan, waa inaad dhammaan hannaanka dhaqdhaqaaqa nolosha ku hirgeliso “Laa Ilaaha illa Allaah.” Dhinac kasta oo noloshaada ah waa inay ka muuqato. Ma jiro hantiile, xoog weyne, madaxweyne iyo cid kale oo wax leh, oo aan Ilaahay ahayni.
Isweydii maxaa ku dhibay gaaladii Quraysheed inay eraygaas iska yidhaahdaan. Jawaabtu waa macnaheeda iyo waxa ka dhalanaya ayay ogaayeen. Haddii uu yahay eray la iska odhanayo, way iska odhan lahaayeen.
Axmed Farraaj: Baaqii Rasuulku (scw) wuxuu ahaa mar kasta, “Ashahaata waydun liibaaniye,” suurtagalna ma aha inuu ka doonayay hadal keliya, waayo way ajiibi lahaayeen. Balse wuxuu ahaa hadal uu ka danbeeyo dhigaal badan oo iimaan ah oo ku saabsan: macnaheeda, dulucdeeda, dalabaadkeeda iyo waajibaadkeeda?
Sheekh Shacraawi: Haahey, may odhanin. Waxay garanayeen waajibaadka ka dhalanaya ‘Laa Ilaaha illaa Allaah’ iyo waxa ay yihiin dalabaadkeedu. Sidaas ayay u odhan waayeen, waayo haddii ay masaladu fududdahay way iska odhan lahaayeen. Sidaa darteed, ashahaadadu ashahaado ma noqonayo, marka ay carrabka iyo qalbigu iswaafaqaan mooyaane. Taasi waa dhanka caqiidada, ka dibna inaad noloshii kale oo dhan ku dabbaqdo ayaa ku sugaysa. Waa inaad qirto Ilaahay oo keliya inuu yahay: Sameeyaha, Deeqbixiyaha, Awoodlaha, Dheeflaha iyo Dhiblaha. Waa inaad qirto in dhammaa sababuhu ay gacantiisa ku jiraan, oo marka uu doonana ay wax tarayaan, marka uu doonana aanay waxba tarayn.
___
1. Suuradda Al-Shuuraa, aayadda 20.
2. Suuradda al-Israa, aayadda 20.
3. Suuradda al-Insaan, aayadda 3.
4. Suuradda al-Balad, aayadda 10.
5. Suuradda al-Shams, aayadaha 1 –10.
6. Suuradda al-Nisaa, aayadda 116.
7. Suuradda Luqmaan, aayadda 13.
8. Suuradda al-Zumar, aayadda 53
9. Suuradda al-Zumar, aayadda 54.
From the comments