Goobjoog

Aragti

HAWLGALKII ABBOTTABAD: MAXAY TAHAY SHEEKADA KA DUWAN MIDDA MARAYKANKA EE HABEENKAAS LAGA WARIYAY?

HAWLGALKII ABBOTTABAD: MAXAY TAHAY SHEEKADA KA DUWAN MIDDA MARAYKANKA EE HABEENKAAS LAGA WARIYAY?

Saacaddu markii ay dul istaagtay 01:00 PM duhurnimo waqtiga Soomaaliya oo ku beegnayd 03:00 PM galabnimo waqtiga Bakistaan, maanta oo kale, 06 May 2011, waxaa soo dhacday xog culus oo maalmo loo dheg taagayay. Farriin ka koobnayd shan bog oo warsaxaafadeed ah ayaa si lamafilaan ah ugu soo dhacday mareegta Ansar al-Mujahideen iyo baraha kale ee islaamiyiinta. Warsaxaafadeedkan oo ay ku saxiixnaayeen Hoggaanka Sare ee Ururka al-Qaacidda, ciwaankiisuna ahaa: “Bayaan ku saabsan Shahiidnimada Sheekh Usaama Bin Laadin”, ayaa hal mar soo afjaray afar maalmood oo shaki iyo hadalhayn ay dunidu galisay nolosha iyo geerida Usaame Bin Laadin. Hay’adda SITE Intelligence Group ayaa noqotay isha koowaad ee caalamka markiiba u sheegtay qirashadan rasmiga ah, waxaana durbadiiba ku xigay wakaaladaha Reuters iyo Associated Press (AP) oo warkaas ku baahiyay daafaha dunida.

Bishii May ee sannadkii 2011 ma ahayn uun xilli dhacay hawlgal khaarijin ah, balse waxay ahayd bishii ay kala caddaatay cidda leh hoggaanka borobogaandada iyo sheeka dhiska iyo xakamaynta lidkeeda. Qirashada ka timid al-Qaacidda waxay Maraykanka u ahayd guul weyn oo dhinaca farriinta ah, maadaama ay si rasmi ah u shaaciyeen in ninkii ay muddada dheer baadigoobayeen ay dhab ahaan u dileen. Inkastoo ay tani u muuqatay mid soo afjartay loollankii sirdoonka, haddana, si loo fahmo baaxadda dhacdadan, waxaa lamahuraan ah, inaan si kooban, dib ugu eegno sooyaalka iyo raadka ninkii muddada tobanka sano loogu raadinta badnaa.

Usaama Bin Muhammad Bin Cawad Bin Laadin, ma uusan ahayn qof caadi ah; waxa uu ahaa wiilka 17aad ee u dhashay reer Binlaadin, kana dhashay qasri iyo qoys hantiile ah bishii March, sannadkii 1957, kuna soo dhex barbaaray dhismaha munaaradaha dhaadheer ee magaalada Riyaad, ee dalka Sucuudi Carabiya. In kasta oo uu hanti iyo magac ka dhaxlay qoyskiisa, haddana waxa uu doortay inuu ka doorbido dhufaysyada iyo nolosha adag, isagoo bishii August, sannadkii 1988 kaga dhawaaqay magaalada Peshawar ee dalka Bakistaan, asaaska ururka al-Qaacidda. Sababta loo dhisay ururkan waxay ahayd in la ballaariyo jihaadka ka dhanka ah quwadaha shisheeye iyo in la mideeyo kumannaankii dagaalyahan ee ka soo haray dagaalkii Midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan oo markaas dareemayay in lagu shaqaysanayay oo ay cid kale hawl u hayeen iyaga oo aan ka war hayn.

Ina Laadin wuxuu in ka badan toban sano ka dhuumanayay indhaha sirdoonka lagu sheego inay ugu awoodda badan yihiin, ka dib weeraradii 11 Sebtember 2001, isagoo dhex galay godadka buuraha Tora Bora ee Afgaanistaan iyo ugu danbayntii dhismaha qarsoodiga ahaa ee Abbottabad ee Bakistaan. Haddaba, maqaalkani waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa:

  • Sida uu Maraykanka u maareeyay hawlgalkii uu ku khaarajiyay Usaame.

  • Xogihii xasaasiga ahaa ee ay bixiyeen xaasaskii Bin Laadin.

  • Falanqaynta sida dunida looga dhaadhiciyo sheekooyin kala duwan oo hal dhacdo ku saabsan.

  • Iyo sida uu Maraykanku u jiheeyo warbaahinta iyo sida uu u maareeyo wixii ka dhasha hawlgallada sirdoon ee xasaasiga ah.

Sidee U Maareeyay Maraykanka Hawlgalkii Abbottabad?

Helikobtar ayaa saqdhex ku dul heehaabaya Abbottabad (waa dhacdo naadir ah!” Farriintan kooban oo uu saqdii dhexe bartiisa Twitter-ka ku qoray wariye madaxbannaan oo lagu magacaabo Sohaib Athar, waxay ahayd xogtii u horraysay ee ku saabsanayd mid ka mid ah hawlgallada sirdoon ee ugu saamaynta weynaa qarniga 21aad. Si kale, wariyahani waxaa dul maray diyaaradihii u sii socday inay Usaame dilaan. Xilligaas, Sohaib iyo intii akhrisay qoraalkiisa midna ma malaysan karin inay markhaati ka yihiin khaarajinta ninkii dunida loogu doonista badnaa muddo toban sano ah, kaas oo madaxiisa ay saarnayd abaalmarin dhan $27 milyan oo doollar.

02 May 2011, saacaddu markii ay ahayd 08:00 subaxnimo waqtiga Bakistaan, oo ku beegnayd 06:00 subaxnimo waqtiga Soomaaliya iyo 11:00 habeenimo ee 01 May waqtiga Maraykanka ayaa dunidu ay hal mar ku soo toostay warkii ugu yaabka badnaa oo ahaa shaacinta DILKA USAAME BIN LAADIN.

Hawlgalkan, oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay, waxaa gacantiisa ku saxiixay Madaxweyne Barack Obama 29 April 2011. Duullaankani wuxuu ahaa dhabarjab weyn iyo guul istaraatiiji ah oo Maraykanku ka gaaray ujeeddadiisii ahayd soo qabashada ama qaarijinta hoggaamiyihii ugu sarreeyay ururka al-Qaacidda.

Sida uu buuggiisa kaga sheekeeyay Robert O’Neill, oo ahaa askarigii sheegtay inuu toogtay Bin Laadin, hawlgalku wuxuu ka billowday magaalada Jalalabad ee dalka Afgaanistaan, halkaas oo ay labo diyaaradood oo qummaatiga u kaca ka soo duuleen goor saqdhexe ah. Diyaaradahaas ayaa si qarsoodi ah ku soo galay hawada Abbottabad, iyagoo ku degay guri saddex biyaano ah; mid waxay ciidamo ku daadisay daaradda guriga, halka tii kalena ay ciidamo xargo kaga soo dejisay sagxadda sare ee dabaqa saddexaad.

Ciidamada gaarka ah ee Navy SEAL 6 ayaa gudaha u galay guriga, halkaas oo ay toogasho ku dileen Khaalid Bin Laadin oo ahaa wiilkii Usaame, ka dib markii uu rasaas kaga soo riday dabaqa saddexaad. Robert O’Neill wuxuu sheegay inuu galay qol ay ku jireen labo haween ah iyo Usaama oo aan hubaysnayn, isna uu isla ilbiriqsi gudihiis xabbad sujuuda kaga toogtay. Meydka ayaa durbadiiba la geeyay Afgaanistaan si loo hubiyo aqoonsigiisa, ka dibna waxaa lagu qaaday markabka Carl Vinson (CVN-70) halkaas oo badda lagu aasay dhowr saacadood ka dib.

Maraykanku wuxuu hawlgalkii Abbottabad u maareeyay si heer sare oo taxaddar leh, isagoo iskudubbariday dhinacyada milatariga, sirdoonka, iyo xiriirka dadweynaha, si looga hortago saamayn taban oo ka dhalata dilka Usaame Bin Laadin. Marka la isku geeyo xogta buugagga baaritaanka, waxaa cad in maaraynta farriinta ay muhiimad la mid ah tan hawlgalka milatari u lahayd Aqalka Cad, iyadoo hadafku ahaa in laga hortago in ninkan loo beddelo astaan ama shahiid ay ku midoobaan taageerayaashiisu.

Qodobbada ugu muhiimsan ee maaraynta hawlgalka:

  • Sawirka “Situation Room”: Maraykanku wuxuu baahiyay sawirka caanka ah ee “Situation Room,” halkaas oo Madaxweyne Obama iyo kooxdiisu ay u muuqdeen inay toos u daawanayeen dhiigga ku daadanaya dabaqa saddexaad ee dhismaha, taas oo qayb ka ahayd xaqiijinta guusha hawlgalka.

  • Qarinta Meydka: Sida lagu xusay bogga 420 ee buugga baaritaanka ee The Exile: The Flight of Osama bin Laden ee ay isla qoreen Cathy Scott-Clark iyo Adrian Levy, go’aanka ah in aan la soo bandhigin sawirrada meydka wuxuu ahaa mid istaraatiiji ah. Waxaana looga dan lahaa in aan al-Qaacidda loo siin fursad ay Bin Laadin sawirka meydkiisa ugu beddelaan astaan halgan iyo inay taageerayaashiisa ku kiciyaan oo ku caragaliyaan.

  • Aaska Badda: Sababta aaska badda loogu doortay waxaa lagu sheegay inay timid ka dib markii ay dalal badan diideen in dhulkooda lagu aaso, iyadoo laga cabsi qabay in qabrigiisu noqdo rug ay taageerayaashiisu ka barakaystaan ama saldhig u noqda xagjirnimada.

  • Xogta Robert O’Neill iyo Sirdoonka Bakistaan: Buugga The Operator wuxuu faahfaahinayaa sida sahlan ee sujuuda looga toogtay Usaame, halka Abbottabad Commission Report uu kashifayo fashilka sirdoonka Bakistaan, taas oo Maraykanka ku khasabtay inuu xogta u maareeyo qaab ka ilaalinaya iska-hor-imaad toos ah oo dhexmara labada dal.

Maaraynta hawlgalkii Abbottabad ma ahayn oo kaliya mid milatari, balse waxay ahayd hawlgal sirdoon oo si taxaddar leh loo ilaaliyay saamaynta maskaxeed ee ay dunida ku yeelan karto. Istaraatiijiyaddan ayaa qayb ka ahayd maarayn casri ah oo saxaafadeed, taas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro sheekadiisa iyada oo aan la siin fursad ay kooxdiisa ka faa’iidaysan karto.

Dhinaca kale, aaska badda wuxuu ahaa xalka ugu danbeeyay ee looga gudbay caqabadaha diblamaasiyadeed iyo kuwa ammaan. Iyadoo dalal badan ay ka cagajiideen in dhulkooda lagu aaso meydka Bin Laadin, Maraykanku wuxuu ka faa’iideystay fursaddan si uu u hubiyo in aanu jirin qabri noqda goob ay taageerayaashiisu isugu yimaadaan. Xogta ka soo baxday warbixinta baaritaanka Bakistaan iyo xusuusqorka ciidanka SEALs ayaa xaqiijinaya in maaraynta hufan ee farriinta iyo aaska degdegga ah ay meesha ka saartay fursad kasta oo ay al-Qaacidda ku abuuri lahayd kacdoon hor leh, taas oo hawlgalkan ka dhigtay mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee sirdoonka qarniga 21aad.

Haddaba, waxaa jirta sheeko ka duwan midda ay Maraykanku u sheegeen saxaafadda iyo dunida. Sheekadaasi waxay si dhammays ah u soo baxday bishii May 2017, markii la baahiyay taxanaha buugga The Exile. Buuggan oo ka kooban 640 bog, wuxuu soo bandhigay xog cusub oo ku saabsan hawlagalkaas iyo wixii habeenkaas dhacay. Amaal Saddaax, xaaskii ugu yarayd ee Bin Laadin, ayaa ka mid ahayd dadka lagu waraystay taxanaha oo markii danbe buug isu beddelay, waxayna bixisay xogo yaab leh.

Habeenkii hawlgalku dhacayay, waxay Amaal sheegtay goortii u horraysay ay shanqarta bannaanka ka yeeraysay oo u muuqday dad darbiga ka soo boodaya uu Usaame dhinac jiifay. Markiiba Usaame wuu dareemay inay ciidamo yihiin waxa jabaqdaasi tahay; wuxuuna billaabay in carruurtii iyo haweenkii uu isugu geeyo hal meel, isagana uu qorigiisa jeeniqaarto. Waxay Amaal sheegtay in diyaaraduhu meel fog ku soo daadiyeen ciidamada, ka dibna ay darbiyada sida tuugtii uga soo wada daateen. Waxay sheegtay in goortaas ay guriga ku sugnaayeen ilaalada Usaame oo ay dagaal kooban halkaa ku dhexmareen oo dhammaan ilaaladii lagu wada laayay. Inta aysan dabaqa soo korin ciidamada Maraykanka ayuu Usaame damcay inuu daaqadda qoriga ka rito oo halkooda kula dagaallamo balse rasaas badan oo dhankiisa loo soo riday ayaa mid ka mid ah ku dhacday, nafna dhulka kulama uusan dhicin oo waa uu dhintay. 

Xogta ku saabsan qaabka uu u dhintay Usaame Bin Laadin ee ay Amaal sheegtay, waxay si weyn u waafaqday xog uu horay u sheegay mid ka mid ah askartii sida rasmiga ah uga qaybqaadatay hawlgalkaas, kaas oo magaciisa la yiraahdo Matt Bissonnette oo ku hawlgala magaca Mark Owen. Matt wuxuu xogtiisa ku baahiyay buuggiisa caanka ah ee No Easy Day, oo soo baxay September, 2012.

Amaal Saddaax waxay sheegtay in Usaame uu damcay inuu daaqadda qoriga ka rito, si uu ula dagaallamo ciidanka, balse rasaas dhankiisa loo soo riday mid ka mid ah ayaa ku dhacday kahor intaan ciidanku qolka soo gelin. Xogtan waxaa xoojinaya Matt Bissonnette, isagoo xaqiijiyay in markii ay dabaqa saddexaad soo aadeen ay arkeen Usaame oo madaxa kala soo baxaya albaabka qolka jiifka. Matt wuxuu sheegay in markaas la toogtay Usaame, uuna dib ugu dhacay qolka dhexdiisa halkaas oo ay ku dhammaystireen. Inkastoo Amaal ay sheegtay in Usaame uu qorigiisa dafay si uu isu difaaco, Matt wuxuu xaqiijiyay in xilligii xabbadda ugu horraysay ay ku dhacaysay uu Usaame ahaa mid aan weli hubaysnaan oo madaxa kaliya kala soo baxay albaabka. Tani waxay muujinaysaa in Usaame la dilay isagoo isku dayaya inuu isdifaaco balse aan weli helin fursad uu rasaas ku rido.

Amaal waxay tilmaamtay in markii uu dhintay ka dib, ay askartu sii wadeen inay meydka ku ridaan rasaas aad u badan illaa uu ka noqday “shaandho”. Si ay uga badbaaddo rasaastaas xooggan, Amaal waxay iska dhigtay sidii qof dhimatay, sida ku xusan bogga 417 ee buugga The Exile.

Sidoo kale, Amaal waxay rumaysan tahay in mid ka mid ah diyaaradihii siday meydka Usaame ay qaraxday islamarkii ay kacday, taas oo meesha ka saaraysa sheegada Maraykanka ee ah in meydka badda lagu tuuray. Waxay ku dooday in xataa haddii aysan diyaaraddu qarxi lahayn, aan Maraykanku marnaba soo bandhigeen sawirrada meydka, si loo qariyo fulaynimada askartooda oo boqol xabbadood ku dhammeeyay meydka hal nin oo horay u dhintay.

Ugu danbayntii, maanta oo kale 06 May 2011, ururka al-Qaacidda ayaa soo saaray warsaxaafadeed lagu baahiyay bogga ay ku xiriiraan ee Ansar al-Mujahideen. Qoraalkaas oo ka koobnaa shan bog, waxaa ku saxiixnaa hoggaanka sare ee al-Qaacidda, waxaana lagu sheegay in “dhiigga Bin Laadin uusan noqon doon mid micno la’aan u daata”.

Halkudhigyadii ay adeegsadeen waxaa ka mid ahaa in Bin Laadin uusan ahayn qof kaliya, balse uu yahay fikir, iyagoo iskudayayay inay maareeyaan fashilka hoggaankoodii ku dhacay iyo niyadjabka taageerayaashooda. Kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa markiiba ka falceliyay warkan, iyagoo soo saaray bayaan ay ku ballanqaadayaan inay sii wadayaan booskii uu banneeyay Bin Laadin. Maraykanku, si uu u fashiliyo warsaxaafadeedkaas, wuxuu markiiba baahiyay xog sirdoon oo laga helay guriga Bin Laadin, taas oo muujinaysay in Bin Laadin uu ka walwalsanaa daciifnimada ururkiisa, isagoo jiheeyay warbaahinta inay u arkaan Bin Laadin nin “keligiis ku go’doonsan guri” halkii uu ka noqon lahaa “geesi shahiid ah”.

Sidaas ayay 06 May u noqotay maalinta lagu kala calafqaaday dagaalka warbaahineed ee u dhexeeya sirdoonka dunida iyo ururada xagjirka ah, iyadoo sheeko kastaa ay u muuqato mid iskudayaysa inay qabsato maskaxda dadka.

Si kastaba ha ahaatee, wixii ka danbeeyay weerarkii 07 October 2023, waxaa muuqata in hoggaamintii reer Galbeedka ee dhinaca warbaahinta ay sii daciifaysay. Sheekooyinka ay iyagu soo allifaan si ay danahooda ugu adeegaan ugama gadmaan dadweynaha sidii hore, waxaana socda kacdoon ballaaran oo baraha bulshada ah, kaas oo oggolaanaya in xogaha si furan oo madaxbannaan loo helo, loogana guulaysto dagaalka warbaahineed ee u adeegaya danaha gaarka.

Get Goobjoog updates

From the comments