Su’aashan maanta waxay ka mid tahay kuwa ugu culus ee horyaalla siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo mucaaradka, isla markaasna ay socdaan shirar siyaasadeed oo mucaaradku kaga tashanayaan mustaqbalka doorashooyinka, dastuurka, iyo jihada guud ee dalka ka hor 15ka May. Mar kasta oo ay Soomaaliya gasho marxalad siyaasadeed oo adag, waxaa si dhaqso leh u muuqata hal arrin oo soo noqnoqota: in indhaha lagu jeediyo Beesha Caalamka, si ay u noqoto dhexdhexaadiye, cadaadis saara dhinacyada is-haya, ama xitaa soojeedisa xal diyaar ah. Tani waxay dhalisay weydiin ah: Soomaalidu ma awoodaan inay kaligood heshiis gaaraan, mise wali waxay ku tiirsan yihiin gacmo shisheeye si ay u xalliyaan khilaafaadkooda?
Aragti
FALANQAYN: SOOMAALIDU HESHIIS MA GAARI KARTAA IYADA OO AYSAN BEESHA CAALAMKU DHEXDHEXAADIN?

Taariikhda dhow ee Soomaaliya waxay caddayn u tahay in heshiisyada waaweyn ee siyaasadeed badankood ay ka dhaceen meel ka baxsan dalka ama ay si toos ah u hagayeen quwado dibedda ah. Laga soo bilaabo shirarkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti, Kenya, Itoobiya, ilaa heshiisyadii doorashooyinka iyo khilaafaadka dastuuriga ah ee marar badan lagu xalliyay cadaadis ka yimid safaarado shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah, Soomaaliya waxay noqotay dal aan si fudud u gaari karin heshiis gudaha ah iyadoo aan dibedda laga riixin. Tani waxay dhaawacday kalsoonidii siyaasiyiinta iyo shacabka, labadaba, ee ku aaddan codadka gudaha ee xalraadinta.
Khilaafka maanta taagan ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka wuxuu tusaale kale u yahay dhibaatadan soo jiitamaysay. Dawladdu waxay doonaysaa inay hirgeliso ajandayaal ay ku jirto dib-u-eegista dastuurka, qaabka doorashada, iyo xoojinta awoodda Dawladda Dhexe, halka mucaaradku ka muujinayaan cabsi la xiriirta in talada dalka lagu koobayo hal dhinac, lana wiiqayo wadatashigii siyaasadeed ee loo baahnaa. Halkii ay labada dhinac si qotadheer u wada fariisan lahaayeen, waxaa durba soo baxaya hadal ah in beesha caalamka loo baahan yahay si ay cadaadis u saarto dhinacyada, ama u dammaanadqaaddo heshiis kasta oo la gaaro.
Arrinta ugu weyn ee halkan taalla ma aha oo keliya khilaafka siyaasadeed ee jira, hase ahaatee waa dhaqan siyaasadeed muddo dheer soo jiray oo ku dhisan in dhinac walba uu aamino in guusha laga heli karo dibedda halkii laga heli lahaa wadahadal gudaha ah. Mucaaradku mararka qaar waxay rumaysan yihiin in taageerada safaaradaha iyo beesha caalamka ay ka awood badan tahay miiska wadahadalka gudaha, halka Dawladdu mararka qaar ay isku daydo inay sharciyad dibadeed ka hesho saaxiibbada caalamka si ay u xoojiso mawqifkeeda gudaha. Sidaas darteed, xal kasta wuxuu noqdaa mid laga sugo dibedda halkii laga dhisi lahaa kalsooni Soomaaliyeed, xalkana laga dhalin lahaa maslaxadda Soomaalida.
Dhibaatada ugu weyn ee ku jirta ku-tiirsanaanta shisheeyaha waa in heshiisyada noocaas ahi aysan badanaa noqon kuwo waara. Heshiis dibedda laga soo riixay wuxuu shaqayn karaa oo keliya inta la riixayo, maadaama oo uusan ka dhalan kalsooni dhab ah iyo rabitaan gudaha ah.
Si kastaba, doorka Beesha Caalamku waa mid tiirdhexaad u ahaa heshiisiinta Soomaalida. Soomaaliya waa dal muddo dheer kasoo kabanayay burbur, colaado, iyo kala qaybsanaan siyaasadeed, sidaas darteedna ay lagamamaarmaan noqoto in la helo dhexdhexaadin dibadeed si loo yareeyo xiisadda. Hase ahaatee marwalba gargaar dibadeed iyo ku tiirsanaan joogto ah ma samatabixin karto xaaladda Soomaaliya.
Maxaa ka hor istaagaya Soomaalida inay si madaxbannaan isu fahmaan? Jawaabtu waxay ku jirtaa saddex arrimood oo waaweyn: kalsoonidarro, dano gaar ah, iyo nidaam siyaasadeed aan weli si buuxda u qaangaarin. Siyaasadda Soomaaliya, inta badan, waxay ku dhisan tahay shakhsiyad iyo qabiil halkii ay ka ahaan lahayd hay’ado adag iyo xeerar la wada ixtiraamo.
Marka qofku aamino in kursiga uu hayo uu yahay badbaadadiisa siyaasadeed iyo mid dhaqaale, tanaasulku wuxuu u muuqan doona khasaaro, heshiiskuna wuxuu noqdaa wax adag. Taasi waxay siyaasadda ka dhigaysaa dagaal joogto ah oo aan dhammaad lahayn.
Khilaafka Muqdisho maanta wuxuu, sidoo kale, muujinayaa sida aan weli loo dhisin dhaqan siyaasadeed (political culture) ku salaysan ismaqalka, isu dhimrinta iyo isu tanaasulka. Shirarka mucaaradku waxay tilmaamayaan cabashooyin jira, misana, waxay sidoo kale bidhaaminayaan baahida loo qabo madal qaran oo si dhab ah loogu wadahadlo, halkii koox walba ay gooni isu abaabuli lahayd. Dawladda Federaalka ah haddii ay rabto sharciyad buuxda, waa inay muujisaa furfurnaan siyaasadeed. Mucaaradkuna haddii ay rabaan kalsoonida shacabka, waa inay keenaan aragti ka baxsan diidmo qayaxan oo kaliya, una gudbaan soo bandhigidda kaladoorashooyin (alternative) suurtagal ah!
Waxaa, sidoo kale, muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay door muuqda yeeshaan. Marar badan siyaasadda dalka waxaa lagu soo koobaa madax iyo kooxo dano gaar ah leh, halka shacabka loo isticmaalo taageero qabiil ama cadaadis lagu cadaadinayo dawladda markaas jirta. Haddii bulshada rayidka ah, aqoonyahanka, culimada, ganacsatada, iyo dhallinyarada ay si xooggan ugu cadaadiyaan dhinacyada inay wada hadlaan, waxaa suuragal noqon karta in xal gudaha ahi uu xoog yeesho. Heshiis qaran ma aha oo keliya wax ay saxiixaan siyaasiyiin; waa dareen guud oo bulshada dhexdeeda ka dhasha.
Sidoo kale, waa in la aqbalaa xaqiiqda ah in madaxbannaanida siyaasadeed aysan imaan karin iyadoo mar walba xal dibedda laga sugayo. Dal kasta oo doonaya inuu yeesho dowladnimo adag waa inuu marka hore barto sida loo maareeyo khilaafkiisa gudaha. Soomaaliya haddii ay rabto qaran dhab ah, waa inay ka gudubtaa marxaladda ah in safaaraduhu noqdaan meel lagu kala adkaado. Go’aanka ugu muhiimsan waa inuu ka yimaadaa gudaha, xitaa haddii dibaddu taageerto.
Shirarka socda waxay noqon karaan fursad kale oo lagu muujiyo bisayl siyaasadeed ama waxay noqon karaan bog cusub oo horseeda khilaaf soo noqnoqda. Doorashadu waxay ku jirtaa gacanta Soomaalida lafteeda. Haddii Hoggaamka Dawladda iyo kuwa mucaaradku ay ka hormariyaan danta qaranka tooda shakhsiga ee kursiga, waxaa suurtagal ah in heshiis la gaaro iyada oo aan beesha Caalamka la hoos tegin! Haddiise dhinac walba uu sugayo cid dibedda ka timaadda oo u hiilisa, markaas Soomaaliya waxay sii ahaan doontaa dal heshiiskiisu ka dhasho meel ka baxsan xuduudihiisa.
Gunaanadkii, Soomaalidu heshiis way gaari kartaa iyada oo aysan Beesha Caalamka meesha soo gelin, laakiin waxay taasi u baahan tahay geesinimo siyaasadeed, tanaasul dhab ah, iyo fahan ah in dawladnimo aan laga soo waaridan karin dibedda. Beesha Caalamka waxay noqon kartaa markhaati ama taageere, balse ma noqon karto beddelka rabitaanka qaran ee gudaha. Khilaafka maanta taagan wuxuu, mar kale, ina tusayaa in dhibaatada ugu weyn aysan ahayn cadow dibadeed, laakiin ay tahay awood-la’aanta gudaha dalka iyo kalaqeybsanaanta dadweynaha. Maalinta ay Soomaalidu barato in wadahadalka gudaha uu ka muhiimsan yahay albaabka safaaradaha, maalintaas ayay bilaaban doontaa Soomaaliya cusub oo isku tashata.

From the comments