Goobjoog

Aqalka Sare oo Aqlabiyad ku Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka. Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 28 Senator ayaa dhammaantood…

Aqalka Sare oo Aqlabiyad ku Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 28 Senator ayaa dhammaantood codkooda oggolaanshaha siiyay hindise-sharciyeedka, iyadoo aysan jirin cid ka hortimid ama ka aamustay codeynta.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa ah tallaabo la xiriirta dhismaha hay’ad gaar ah oo qaabilsan maaraynta iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo la sugayo hirgelinta qodobbada ku xusan xeerka marka uu maro dhammaan habraacyada sharciyeed ee looga baahan yahay.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments