Muqdisho, 14 Oktoobar 2026 — Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta labaad marsiiyey hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, kaas oo muhiim u ah horumarinta adeegyada saadaasha hawada iyo xogta cimilada ee dalka.
Kulanka Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 9-aad, waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.
Kulanka oo ku furmay kooram dhan 28 senator, ayaa waxaa warbixin ku saabsan hindise-sharciyeedka ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, iyadoo faahfaahin ka bixisay wax-ka-beddellada, sixitaannada iyo dib-u-eegista lagu sameeyey hindise-sharciyeedka.




From the comments