Duqeymaha cirka ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa si weyn u kordhay intii uu madaxweyne Donald Trump hoggaaminayay dalkaas, iyadoo qoysas ku nool gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay ka soo gaartay dhimasho, dhaawacyo culus, barakac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.
Warbixin ay baahisay warbaahinta Al Jazeera ayaa soo bandhigtay xaaladda qoysas ay saameeyeen duqeymo iyo dagaallo ka dhacay agagaarka degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan howlgallo dhacay bishii Nofeembar 2025, kuwaas oo ay ku lug lahaayeen duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Warbixintu waxay sheegtay in xogta Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay muujinayso in la diiwaangeliyay 84 duqeyn oo Soomaaliya laga fuliyay illaa dhammaadkii Sebtembar 2026, halka hay’adda New America Foundation, oo si madax-bannaan ula socota duqeymaha, ay diiwaangelisay 88 duqeyn muddadaas.
Haweenay lagu magacaabo Maryan Xaaji Cabdi Guuleed, ayaa sheegtay in saddex ka mid ah lixdeeda carruur ah ay ku dhaawacmeen duqeymihii ka dhacay Jamaame bishii Nofeembar ee sannadkii hore.
Wiilkeeda Cabdulqaadir Saalax, oo xilligaas toddobo jir ahaa, ayaa dhaawac culus ka soo gaaray jirkiisa, waxaana weli bir ka mid ah firirka hubka ay ku jirtaa meel u dhow sinta.
Maryan ayaa sheegtay inay wiilkeeda u kaxayso iskuulka, kana soo celiso, iyadoo ka cabsi qabta in dhaawaciisu kasii daro. Sida ay sheegtay, dhakhaatiirtu waxay uga digeen in saarista birta hartay ay keeni karto curyaannimo.
Qoyskan ayaa markii hore ka barakacay deegaanka, waxaana Maryan ay wiilkeeda u soo qaaday Muqdisho, halkaas oo uu ka helay daryeel caafimaad, waxaana Bishii Sebtembar 2026, Cabdulqaadir lagu sameeyay qalliin, waxaana laga saaray laba xabbo oo rasaas ah, halka mid kale loo reebay sababo la xiriira khatarta caafimaad ee ka dhalan karta saaristeeda.
Warbixinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay xaaladda Cali Aadan Borrow, oo 52 jir ah, kana mid ah beeraleyda deegaanka Jamaame.
Cali ayaa sheegay in xaaskiisa oo sagaal bilood uur lahayd ay ku dhimatay dhaawac ka soo gaaray firir hub xilli ay isku dayaysay inay carruurteeda kala baxdo goobta dagaalka. Ilmihii ay uurka ku sidday ayaa sidoo kale dhintay.
Saddexdii carruur ahaa ee qoyska u badbaaday ayaa markii dambe la dejiyay guriga ayeeyadood, halka Cali uu u kala safrayay tuulooyin iyo magaalada Kismaayo si uu shaqo u raadsado, una daboolo baahiyaha carruurtiisa.
Wuxuu sheegay in kharashaadka cuntada, gaadiidka iyo baahiyaha kale ay deyn ku rideen, isla markaana qoyskiisu aanu helin taageero ku filan.
Dhanka kale Shabakad kormeer oo uu hoggaamiyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa diiwaangelisay dhimashada 12 qof oo rayid ah intii u dhexeysay 16-kii iyo 18-kii Nofeembar 2025, xilli dagaallo iyo duqeymo ay ka socdeen Jamaame iyo deegaannada ku xeeran.
Isla xogtaas ayaa muujisay in ku dhowaad 22,800 oo qof ay ka barakaceen Jamaame iyo tuulooyinka ku dhow saddex maalmood gudahood.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay burbur soo gaaray dukaamo iyo bakhaarro, xannibaado lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah ee deegaannada ay Al-Shabaab maamusho iyo dhibaatooyin nafsi ah oo ay la kulmeen dadkii ka cararay dagaallada.
Si kastaba ha ahaatee, xogta khasaaraha rayidka ah waxay la xiriirtaa marxalado kala duwan oo ay isugu jireen duqeymo cirka ah iyo dagaallo dhulka ah, wayna adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo cidda ka dambeysay dhimasho kasta.
Dhanka kale Taliska AFRICOM ayaa sheegay inuu baaray wararka sheegaya in hawlgallada Mareykanka ay ku dhinteen 10 ilaa 12 qof oo rayid ah, isla markaana ay burburiyeen guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla Jamaame, asagoo xusay in caddaymo buuxa aan la helin.
[ ]
From the comments