Goobjoog

Hay’adda Duulista Rayidka oo Sheegtay In Booliska Garoonka Aadan Cadde La Wareegeen Machadka Tababarka Duulista

MUQDISHO (Goobjoog News) — Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Booliska Garoonka Aadan Cadde ay la wareegeen xarunta Machadka Tababarka Duulista iyo dhismayaasha ay deggan…

Hay’adda Duulista Rayidka oo Sheegtay In Booliska Garoonka Aadan Cadde La Wareegeen Machadka Tababarka Duulista

MUQDISHO (Goobjoog News) — Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan Booliska Garoonka Aadan Cadde ay la wareegeen xarunta Machadka Tababarka Duulista iyo dhismayaasha ay deggan yihiin shaqaalaha hay’adda, iyadoo aan la marin habraac ama codsi rasmi ah.

Qoraal ay SCAA u dirtay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in toddobo askari oo la socday gaari Cabdi-Bile ah ay subaxnimadii 24-ka Nofeembar isku dayeen inay galaan machadka, balse ay shaqaalaha xaruntu u diideen.

Hay’addu waxay sheegtay in askartu ahaayeen ilaalada Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

SCAA waxay intaas ku dartay in gelinkii dambe ciidamo iyo saraakiil ka socday Taliska Booliska Garoonka Aadan Cadde ay la wareegeen xarunta machadka iyo hoyga shaqaalaha, iyagoo aan wadan amar ama codsi hay’adda loo soo gudbiyey.

Machadka ayaa lagu tababaraa shaqaalaha duulista rayidka ah, waxaana ku rakiban qalab waxbarasho oo hay’addu ku tilmaantay hanti qaran oo qaali ah. Xarunta waxaa sidoo kale ku dhow dhismayaal ay deggan yihiin ku dhowaad 50 shaqaale ah, oo ay ku jiraan hagayaasha diyaaradaha, saadaaliyeyaasha hawada, kormeerayaasha iyo shaqaalaha farsamada.

Shaqaalahaasi waxay ku shaqeeyaan nidaam saddex wareeg ah subax, galab iyo habeen si ay u joogteeyaan adeegyada duulista hawada 24-ka saac ee maalintii iyo toddobada maalmood ee toddobaadka.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa Taliska Booliska ku wargelisay inay masuuliyadda wixii khasaare, dhibaato ama amni-darro ah ee gaara qalabka machadka iyo shaqaalaha dusha ka saari doonto ciidamada la wareegay xarunta. Ilaa hadda, Taliska Booliska iyo Wasaaradda Gaadiidka kama aysan jawaabin sheegashada SCAA.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments