Goobjoog

AUSSOM iyo Safiirka UK ee Soomaaliya oo ka wada hadlay xaaladda amniga iyo taageerada caalamiga ah

Muqdisho, 24 Nofeembar 2026: Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji…

AUSSOM iyo Safiirka UK ee Soomaaliya oo ka wada hadlay xaaladda amniga iyo taageerada caalamiga ah

Muqdisho, 24 Nofeembar 2026: Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mudane Charles King.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, marxaladda kala-guurka amniga dalka, waajibaadka howlgalka AUSSOM iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamku siiso Soomaaliya.

Danjire Diene ayaa uga mahadceliyey Dowladda UK taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca kala-guurka amniga, oo ay qeyb ka tahay Sanduuqa Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF Trust Fund), kaas oo taageera ciidamada Soomaaliyeed ee ka barbar howlgala AUSSOM.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah iyo helitaanka dhaqaale joogto ah oo la saadaalin karo, si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments