Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa mar kale guddoomiye u doortay Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, xilli dowlad-goboleedku isu diyaarinayo doorashada hoggaanka fulinta ee loo qorsheeyey 24-ka Oktoobar.
Cabdixakiin Luqmaan ayaa helay 77 cod doorasho fiidnimadii Khamiista ka dhacday magaalada Jowhar, wuxuu xilkan hayey tan iyo 4-tii Nofeembar 2020, ayadoo ka hor inta uusan Baarlamaanka gelin uu kasoo shaqeeyey Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Iidoow ayaa asna loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, isaga oo helay 98 cod, halka Jaamac Cali Maxamuud ayaa uu noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Cabdiraxmaan Cabdi Iidoow wuxuu horey u ahaa wasiir ku-xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Hirshabeelle, xilkaas oo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe u magacaabay sannadkii 2022.
Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle wuxuu ka kooban yahay 99 xildhibaan oo lagu dhaariyey Jowhar 20-kii Oktoobar, waana Baarlamaankii ugu horreeyey ee Hirshabeelle oo xubnihiisa lagu soo doorto nidaamka qof iyo codka ah.
Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka JSP ayaa doorashadii 30-kii Sebteembar ku guuleystay 78 ka mid ah 99-ka kursi, ayadoo sidaas uu xisbigu ku haysto aqlabiyadda Golaha.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa dhammaystiraysa marxaladda sharci-dejinta, iyadoo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle loo asteeyey 24-ka Oktoobar.
From the comments