Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in aysan hadda jirin wax wada-hadal ama qorshe wada-hadal oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka ku saabsan mustaqbalka marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in aysan jirin wax wada-hadal ah oo socda ama loo qorsheeyay oo u dhexeeya Washington iyo Tehran.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xannibaadda ciidamada badda ee lagu hayo dekedaha Iiraan ay weli socato, halka uu ku adkeystay in Marinka Hormuz uu furan yahay oo shaqeynayo.




From the comments