Goobjoog

Ugu Yaraan Afar Qof oo ku Dhintay Dab ka Kacay Xarun Koronto oo ku Taalla koonfurta Ciraaq

Dab xooggan oo ka kacay xarunta korontada ee Hartha, oo ku taalla waqooyiga magaalada Basra ee koonfurta dalka Ciraaq, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan afar qof, halka 35 kale ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in dabku markii hore ka kacay xarunta korontada, balse uu markii dambe ku fiday guryo ku dhowaa.

Ciidamada gurmadka iyo Difaaca Madaniga ah ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay xakameeyaan dabka, kaddib dadaallo ay ka sameeyeen xarunta iyo dhismayaasha ku hareeraysan.

Shilka ayaa sababay in gebi ahaanba la hakiyo howlaha xarunta Hartha, oo awood u lahayd soo saarista 800 megawatt oo koronto ah, waxaana muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshadu ay muujinayeen qiiq madow oo cirka isku shareeraya, gaadiid gubtay iyo dadweyne isugu soo baxay goobta.

Mas’uuliyiinta Ciraaq weli ma shaacin sababta keentay dabka, waxaana la sugayaa natiijada baaritaannada lagu ogaanayo waxa sababay musiibadan.

Dhanka kale, xarumaha korontada ee Ciraaq ayaa muddo dheer wajahayay caqabado la xiriira dayactir la’aan, maalgelin yari iyo awood aan ku filnayn baahida koronto ee dalka.

Cilado farsamo iyo dabab hore uga dhacay xarumaha korontada ayaa marar kala duwan sababay hakad ku yimaada adeegga korontada iyo koronto la’aan baahsan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments