Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadal uu ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ku sheegay inuusan doonayn inuu mar saddexaad u tartamo xilka Madaxweynaha Puntland, isagoo xusay in dastuurku u oggol yahay inuu xilka qabto laba xilli oo keliya.
Deni ayaa sheegay in isaga iyo ururka siyaasadeedkiisa Kaah ay diyaarin doonaan musharrax u tartama doorashada Puntland marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa hadda.
Madaxweyne Deni ayaa markii ugu horreysay xilka Puntland loo doortay 2019, waxaana mar kale loo doortay 8-dii Janaayo 2024, isagoo helay 45 cod oo ka mid ah 66-da xubnood ee Baarlamaanka Puntland.




From the comments