Ciidamada Booliska Waqooyi Bari ayaa howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga loogana hortagayo maandooriyaha ka sameeyay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyo deegaannada ku hareeraysan.
Taliyaha Qeybta Gobolka Togdheer ee Booliska Waqooyi Bari, Fahad Cabdikariin, oo warbaahinta la hadlay kadib howlgalka, ayaa sheegay in tallaabooyin adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal amniga lid ku ah ama ka shaqeysa faafinta maandooriyaha.
Fahad Cabdikariin ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka, isla markaana lagu ilaalinayo badqabka shacabka, isagoo ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka sharci-darrada ah.




From the comments