Hay’adaha Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Booliska ayaa sheegay in uu gabo-gabo marayo howlgal ballaaran oo ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo koox hubeysan oo ku eedeeysan inay weerarro hoobiyeyaal ah ku qaadeen xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah.
War-saxaafadeed ay soo saareen hay’adaha amniga ayaa lagu sheegay in kooxahan hubeysan ay ku sugan yihiin goobo ay deggen yihiin dad lagu tilmaamay inay hurinayaan qalalaase amni, isla markaana ay ka dambeeyeen abaabulka falalka hubeysan ee ka dhacay caasimadda.
Booliska ayaa sheegay in weerarrada hoobiyeyaasha lagu qaaday qaybo ka mid ah Muqdisho ay khatar ku noqdeen shacabka rayidka ah, isla markaana ciidamada ammaanku ay wadaan howlgal lagu soo afjarayo kooxahaasi iyo cid kasta oo ku lug leh falalka lagu tilmaamay kuwa lidka ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.




From the comments