Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Federaalka ayaa martigelisay kulanka wareegga labaad ee guddiga wada-tashiga siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, kaas oo ka dhacay caasimadda Muqdisho.
Tallaabadan ayaa muujinaysa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay saxiixeen heshiis ku saabsan in laga dhaafo fiisaha dadka sita baasaboorrada diblomaasiyadeed, heshiiskaas oo la gaaray 2-da Abriil, kuna saleysan fududeynta isu-socodka mas’uuliyiinta iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Kulanka waxaa dhinaca Soomaaliya ka hoggaaminayay Mudane Xamza Aadam Xaddo, oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, halka dhinaca Suudaan uu hoggaaminayay Safiir Mucaawiya Cusmaan Khaalid, oo ah xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan.




From the comments