Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.
Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda, Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala, asagoo wafdiga ku soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Kulliyadda, gaar ahaan goobaha lagu tababaro ciidanka, fasallada waxbarashada, iyo qaybaha maamulka.
Intii uu joogay Kulliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga XFS wuxuu kormeeray xarunta lagu tababaro saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta.




From the comments