Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaasi, kadib markii uu booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq.
Kulanka oo ay ka qeyb-galeen saraakiil sar sare oo Ciraaqiyiin ah ayaa lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, tababarka iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidamada.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo martiqaadka uu u sameeyay dhiggiisa Ciraaq, isagoo xusay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la dhiso iskaashi waara oo walaaltinimo iyo istaraatiiji ah.




From the comments