Goobjoog

Ruushka oo dalka Ukraine uga dhawaaqay 3 maalmood oo xabbad-joojin ah

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 3 maalmood ah, asagoo dhinaca Xukuumadda Ukraine ugu baaqay inay aqbalaan xabbad-joojintaas. Xabbad-joojinta ayaa looga golleeyahay lagu weyneeyo munaasabadda 80 guuradii…

Ruushka oo dalka Ukraine uga dhawaaqay 3 maalmood oo xabbad-joojin ah
Russian President Vladimir Putin makes an address on the conflict with Ukraine, in Moscow, Russia, in this still image taken from video released September 21, 2022. Russian Presidential Press Service/Kremlin via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. MANDATORY CREDIT.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 3 maalmood ah, asagoo dhinaca Xukuumadda Ukraine ugu baaqay inay aqbalaan xabbad-joojintaas.

Xabbad-joojinta ayaa looga golleeyahay lagu weyneeyo munaasabadda 80 guuradii ka soo wareegatay guushii Midowga Soofiyeeti uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida.

Kremlin-ka ayaa sheegay in xabbad joojintu 72-saacadood ah ay socon doonto laga billaabo 8-da May illaa dhammaadka 10-ka May, wuxuuna ugu baaqay Kiev inay qeyb ka noqato xabbad-joojinta.

Dowladda Ukraine ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin xabbad-joojintan ay Moscow ku dhawaaqday, lamana oga sida ay tillaabadani u dhaqan-geli doonto.

 

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments