Guutada 14-ka Oktoobar waa mid kamid ah cutubyada ugu firfircoon Ciidanka Xoogga dalka, waxayna ka howlgallaan degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ciidanka lagu ammaanay inay guulo wax ku ool oo ah ka soo hooyeen sugidda amniga deegaanada ay joogaan.
Aas-aaska guutadani wuxuu ka yimid kacdoon dadweyne oo ka dhashay qaraxii lagu hoobtay ee 14-kii ee sanadkii 2017 ka dhacay isgoyska Soobe ee degmada Hodan, sida uu sheegay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Shiikh Cumar Cali Rooble, oo bixinta magacaas asagu lahaa sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladdu.
Ciidankan oo lagu aas-aasay dhallinyaro firfircoon ayaa intii aan lagu biirin militariga, waxaa loo xilsaaray sugidda ammaanka caasimadda, waxayna ka howlgeli jiraan baraha hubinta, iyo meelaha laga soo galo magaalada, oo xilligaas laga dareemay isbedel nabad-gelyo.




From the comments